Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay qadiyada ka socota Taleex, waxaana uu sheegay in Somaliland ay leedahay xuduudo la yaqaano oo adduunyaduna ay ogtahay horena aanu uga wada hadalnay.
Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dhinaca nabada iyo ammaanka, waxaana uu ugu baaqay in nabada la wada ilaaliyo oo nabad wax lagu dhameeyo dhinaca Taleexna taas baanu diyaar la nahay” ayuu yidhi wasiirku
waxa kale oo wasiirka la weydiiyay dhinaca ilaaqaadka Jabuuti, waxaana uu sheegay in xidhiidhka labada dalba inuu sidii sii iyo si ka sii wanaagsan uu yahay