Hargeysa(Hubaal) – Qaar ka mid ah wasiirada ugu miisaanka culus xukumadda Somaliland ayaa rasmi ahaan u shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen. wali ma cadda sababta ay isku casileen, balse waxaa la filayaa inay isa soo taraan masuuliyiinta iska casilaya xukumadda Siilaanyo.
Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis;
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan;
wasiirka Shaqadda Cabdi Awdaahir Cali;
Wasiir xigeen dib u dejinta Nimco Xuseen Qawdhan’
Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid;
Wasiir Xigeenka deegaanka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan;
Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shaaciyay inay iska casileen xilalka ay qaranka u hayeen. xubnahan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay xilalkaasi iska casileen
Xubnahan ayaa sheegay in iscasilaaddoodu ka dambaysay makrii sida ay sheegeen uu madaxweynuhu taageeray dhinac ka mid ah dhinacyadii isku hayey loolanka hoggaanka xisbiga Kulmiye.
Iscasilaadda xubnahan ayaa lala xidhiidhinayaa loolanka Kulmiye. waxa la sheegay in madaxweyne Siilaanyo cadaadis kus aaray wasiiraddiisa inay taageeraan musharax Muuse Biixi Cabdi, maadaama ay wasiirada iyo masuuliyiinta xukumadda badhkood raacsan yihiin wasiir Maxamed Biixi Yoonis.
Xisbiga Kulmiye, ayaa 10ka November ee sanadkan ku qabsanaya magaalada Hargeysa shir golaha dhexe, uu xisbigu ku kala dooranayo murashaxiinta u taagan jagada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ee doorashada la filaayo March 2017.