DAAWO: Weedhihii Uu Wasiir Biixi Ka Dhiibtay Madashii Musharraxiinta Is-Bahaysatay Isu Muujiyeen

0
19

Hargeysa:(Hubaal):- Isbahaysiga Musharaxiinta Kulmiye ee kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, ayaa maanta munaasibad balaadhan oo Hotel Guuleed lagu qabtay ku soo bandhigay mawqifkooda muranka qabanqaabada shirka golaha dhexe ee Kulmiye, waxana ay Halkaas kula Hadleen Taageerayaal tiro badan oo ay casuumad u sameeyeen.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay saddexda musharax, wasiiro, wasiir xigeenno, masuuliyiin kale oo xukumadda xilalka haya, xildhibaano, siyaasiyiin badan koodu hore xukumadda xilal uga soo qabteen, salaadiin ay hogaaminayaan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo cuqaal.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here