HUBAAL TV CHANNEL: Daawo Xukuumadda Oo Qaraar Adag Kasoo Saartay Iidhooyinka Bulshada Dhego-barjeeyey Ee Ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Kula Wareegeen Shaqadii Warbaahinta
Wasaaradaha Caafimaadka Iyo Warfaafinta Oo Iska Kaashaday Joojinta Farriimaha Ganacsiga Xambaarsan Ee Ay Shirkadaha Isgaadhsiintu Ku Faafiyaan Telefoonnada Gacanta
“Shirkadaha Isgaadhsiintu Iyagoo Lacagtii Ummada Jeebabkooda Kala Soo Baxay Oo Aan Waxba Ku Reebin, Haddii Intii Yarayd Ee Warbaahinta Ay Ku Darsadaan, Dee Raalli Ahaada Ayaanu Leennahay…”
++++++++++
“TELESOM Ha Ahaato ama SOMTEL Ha Ahaato’e Markeeda Hore Ayay Sharci Darro Tahay Inay Shirkaduhu Xayaysiisyo Baahiyaan [Waayo] Waxaa Ay Shatiyada Ku Haystaan Waa Isgaadhsiin,”
Hargeysa:(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland, ayaa go’aano adag kasoo saartay xayeysiisyada faraha ka baxay ee ay sameeyaan goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, waxana shirkadaha is-gaadhsiinta ee dalka k aka jira looga digay inay faraha kala baxaan arrimaha baahinta xayeysiisyada ee ay muddooyinkii dambe maroorsadeen.