‘NIMCADA IYO BARWAAQADA AYNNU HAYSANNO WAY KU LUMAYSAA HADDII SHAYDAANKU INNAGA XOOG-ROONAADO’
Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in biyo la’aantu ka jirto degmooyin iyo xaafado badan oo caasimadda Hargeysa ah, isla markaana aanay jirin cid iyo degmo si gaar ah loogu diiddan yahay inay hesho biyo ku filan.
Wasiir Cukuse oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshadda oo Madaxweyne Siilaanyo xilalka u magacaabay dhawaan, waxa uu meesha ka saaray in tabashooyin ay qabeen qaar ka mid ah xaafadaha Hargeysa, gaar ahaan degmooyinka dhinaca koonfurta oo ka cabanayey in biyo loogu talogalay loo leexiyey gees kale.
“Marka laga hadlayo arrinta biyaha, dadka xaafadeennu aad bay u kacsanaayeen, xanaaq badan ayaana ka muuqday oo harraad 20 sanno ah ayaa ka soo dhacay, daalkii ayaadna mooddaa inay madax-farad ka qaadeen oo wax kastoo loo sheegayo rumaysanayaan, waxana la odhanayaa oo ay rumaysanayaan biyihiinii waa la idinka horjoogsaday oo hebel ayaa diiday iyo reer hebel ayaa diiday, markaa waxaan idiin sheegayaa dhammaan waxaas oo dhan waa wax shaydaanku bisha Ramadaanta inoo soo dhexgalayo.”
Waxa kaloo uu tilmaamay in qaybo badan oo caasimadda Hargeysa ah biyo la’aan ka jirto, waxaannu yidhi; “Magaalada Hargeysa waxaynnu u naqaannaa in daantaasi (degmooyinka woqooyi) dhergan tahay, daantanna (koonfurta) oomman tahay, laakiin bal aynnu daantaas (woqooyiga) soo waraysanno inta biyo hesha iyo inta aan helin, waana la is-wada ogyahay oo waa la is-garanayaa. Xaafadda Jigjiga-yar biyo laguma hayo, degmada dhan ee Gacan-libaax biyo laguma hayo, degmada 26-ka June iyo qaybta dhinaca dooxa xigta ee Maxamuud Haybe ayaa biyo hela.”
“Tashooshkii biyaha degaanka Xumbo-weyne meesha waa laga saaray guddidii madaxweynuhu magacaabay waa la kordhiyey oo waxa lagu daray wasiirrada Xannaannada Xoolaha, Caddaaladda, Wasiir-ku-xigeenka Gaashaandhigga iyo Wasiir-ku-xigeenka Hawlaha Guud, guddidaasina si fiican ayey hawshii biyaha u wadaa, wax joogsanayana maaha. Markaa harraadka in maalmahan Ramadaan dadku iskula dhacaan maaha, wixii aynu kari karno aynnu ku ducaysanno, dadka iyo dalkana aynnu shaydaanka ka naarno, Ilaahayna waxaan ka baryeynaa inuu qof walba Hargeysa biyo ku siiyo halkiisa, waxaanad ogaataan in nimcada iyo barwaaqada aynnu haysanno ku lumayso haddii shaydaanku innaga xoog-roonaado, laakiin waxa ballan ah in madaxweynaha iyo xukuumaddaba ay ka go’an tahay in Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalkuba biyo wada halaan,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.