DAAWO+AKHRI: Agaasimaha guud ee WW&S OO soo xidhay tababar loo qabtay macallimiin sii tababari doona macallimiinta

0
88

Hargaysa,July-9-2019-(Hubaal)-Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska JSL Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa maanta soo xidhay tababar ay qaadanayeen macallimiin sii tababari doona macallimiinta ka hawlgala dugsiyada hoose dhexe ee dalka. Tababarkan oo muddo afar maalmood ah ka socday hudheelka Gran-hadi ee magaalada hargaysa ayaa halkaa lagu baray ka qaybgalayaasha habka iyo hannaanka loo qiimeeyo macalimiinta. Waxa tababarkan hirgelintiisa ka soo shaqeeyey hay’ada ADRA oo wada shaqayn la leh wasaaradda waxbarashada iyo sayniska.

Macallimiintan tababarka qaatay ayaa tegi doona dugsiyada hoose dhexe ee dalka, waxaanay qiimeyn ku soo sameyn doonaan macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada. Dhanka kal, waxay macallimiintani soo ururin doonaan xogaha dhabta ah ee ku wajahan nidaamka wax dhigista ee barayaasha, waxaanay xogtaa u soo gudbin doonaan wasaaradda waxbarashada iyo machadka tababarka macallimiinta si looga jawaabo wixii tababaro ah ee ay u baahan yihiin macallimiintaasi.

Agaasimaha guud ee WW&S Md.Axmed Abokor Maxamed ayaa ka soo qaybgalayaasha kula dardaarmay in ay aqoontaa la baray ka hirgeliyaan guud ahaan dugsiyada ay soo mari doonaan. Tababarkan ayaa ka mid ah dedaalo badan oo ay wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaalilaan ku tayeynayso nidaamka waxbarashada dalka.
Masuul ka tirsan hay’ada ADRA ayaa isaguna tababarkan ka warbixiyey, waxaanu sheegay in mudadii ay tabarka wadeen ka qaybgalayaasha siiyeen aqoon wax badan ka tari doonta marka ay goobaha shaqada tagaan

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here