DAAWO+AKHRI Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmaya Dalka Iyo Wasiirka Waxbarashada Oo Kormeeray Goobaha Lagu Gelayo

0
24
????????????????????????????????????

DAAWO+AKHRI Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Oo Si Rasmi Ah Uga Bilaabmaya Dalka Iyo Wasiirka Waxbarashada Oo Kormeeray Goobaha Lagu Gelay

 

 

Dugsiga sare Ee Suld. Maxamed Suld. Faarax Oo Ay Xukuumaddu Kafaallo-qaaday  gacan-ku-hayntiisa+Aasaasaha Dugsigaas Oo Wasiir Faratoon iyo Madaxweyne Biixi Ku Bogaadiyey

Hargeysa (Hubaal) –  Wasiirka wasaarada Waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud ayaa kormeer ku soo sameeyey qaar ka mid ah goobaha hargaysa ee lagu geli doono imtixaanka shahaadiga ah ee fasalada 8-aad ee dugsiyada H/Dhexe iyo fasalada 4-aad ee dugsiyada sare kaasi oo ka bilaabmi doona gobolada dalka oo dhan saakka  oo bishu tahay 30/06/2018-ka,   siddeeda subaxnimo. wasiirka waxa kormeerkiisan ku wehelinayey Af-hayeenka Wasaarada Waxbarashadda Mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan, madaxa xidhiidhka wasaarada waxbarashada Mudane Ismaaciil Cismaan Cali. Ujeedada kormeerkan ayaa daaranaa xogogaal u noqoshada goobahaasi si loogu diyaargaroobo hawlaha imtixaanka.

Wasiirka ayaa ayaa kormeerkiisaasi ugu kuur-galay xaaladaha dhabta ah ee dugsiyada lagu  geli-doono imtixaanka iyo sida loogu diyaargaroobay, waxaanu wasiirku xog warano kaga dhegaystay dugsiyadaasi uu soo maray masuuliyiinta loo xil saaray in ay agaasimaan goobaha imtixaanku ka dhacayo, waxaanay masuuliyiintaasi wasiirka ku war-geliyeen in si habsami ah hawluhu u socdaan isla markaana ay diyaar u yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen imtixaan hufan oo ay ka madhan tahay qish iyo waxyaaba xumaan u keeni kara.

Ugu danbayn, markii kormeerkaasi soo gebogaboobay waxa wasiirka wasaarada  waxbarashadu kula hadlay saxaafada dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali oo ku yaala xaafada maxamuud haybe ee magaalada hargaysa, waxaanu xusay ujeedka kormeerkiisan iyo sida ay u socdaan hawlaha imtixaanku waxaanu hadalkiisa ku bilaabay; “illaahay mahadii hawlaha imtixaanku waxay u socdaan si habsami ah, dhammaan imtixaankii si nabad qab ah ayuu ku gaadhay gobolada iyo degmooyinka iyo halkii loogu talagalay wax dhib ahina weli lama soo sheegin, waxanan illaahay ka rejeynayaa in uu si nabad-qab ah inoogu soo dhammaado.

Waxan ardayda imtixaanka gelaysa u soo jeedinayaa in ay is-dejiyaan oo ay si kalsooni leh  imtixaanka u galaan, illaahayna talo-saartaan. Waxan ardayda illaahay uga rejeynayaa in uu ku guuleeyo oo ay noqdaan kuwo gaadha hadafkooda. Wasaarad ahaan waxa naga go’an sidii loo tayeyn lahaa waxbarashadda sidaa darteed waxan ardayda ku wergelinayaa in aanay soo qaadan tilifoonada kuwaasi oo halis gelin kara ama lagaga saari-doono imtixaanka qofka lagu qabto. Ilaaliyayaasha iyo ciidamada ammaankuba waxay ku amran yihiin ciddii ku kacda eegasho in laga baabiiyo isla markaana la xidho ardaygii ku kaca falal ku lidi ah habsami u socodka hawlaha imtixaanka.

Dhanka kale Af-hayeenka wasaarada waxbarashadda oo wasiirka kormeerkiisan ku wehelinayey ayaa uga mahadnaqay wasiirka wasaaradda waxbarashadda kaalinta laxaadka  leh ee uu ka qaatay hawlaha dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax kaasi oo mudooyinkii u danbeeyey duruufo soo foodsaaray awgood ku sigtay in uu xidhmo, sababo dhaqaale dartood, hase yeeshee  Af-hayeenku waxa uu xusay in wasaarada waxbarashadu kafaalo qaaday kharashaadkii dugsigaasi kaasi oo markii hore ay gacanta ku hayn jireen bulshadu, isla markaana waxa uu sheegay in mushaharkii u horeeyey ee macalimiinta dugsigaasi ay wasaaradu siisay bishan, sidaa darteed waxa uu mudane Cabdilaahi mahadnaq balaadhan u diray wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir Faratoon. Sidoo kale waxa uu afhayeenku mahadnaq balaadhan u diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kaalin laxaad leh ka geystay dhismaha dugsigaasi.

????????????????????????????????????

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here