DAAWO+AKHRI Shir Jaraaid Oo Ay Masuuliyiinta Dekedda Berbera Xalay Kaga Hadleen Khasaaraha Dab Ka Kacay Qayb Ka Mid Ah Dekedda Berbera Oo Saacado Gubanaysay

0
107

“Koonteenarka gubtay markii biyaha lagu qabtay jawaabtii kasoo noqotay waxaa ay na tusaysay Oo Aanu Illaa hadda rumaysannahay in  ay ACID ku jirtay”

DAAWO+AKHRI Shir Jaraaid Oo Ay Masuuliyiinta Dekedda Berbera Xalay Kaga Hadleen Khasaaraha Dab Ka Kacay Qayb Ka Mid Ah Dekedda Berbera Oo Saacado Gubanaysay

vlcsnap-2017-06-19-00h21m51s000

Berbera(Hubaal):- Maamulka Dekedda Berbera, Masuuliyiinta Waaxyaha qaarkood iyo Madaxda gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay ku guulaysteen deminta Dab qabsaday qaybta Koonteennarrada ee Dekedda Berbera, kaas oo ay sheegeen in bakhtiintiisa lagu guulaystay muddo saddex saacadood iyo dheeraad ku siman oo ay qaybtaasi gubanaysay ka dib.

Maareeyaha Dekedda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyaha Faraca Badda ee Dekedda iyo Xubno kale oo Shir Jaraa’id caawa ku qabtay magaalada Berbera markii lagu guulaystay bakhtiinta Dabkaas ka dib, ayaa ka warbixiyey xogta ay illaa hadda hayaan ee keentay Dabkaas, qaabka ay ugu guulaysteen deminta Dabkaas iyo Baadhitaanka socda.

Dekedda Berbera, ayaa horraanta Bishii May ee sannadkan, si rasmi ah Madaxweynaha Somaliland ugu wareejiyey Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee Dubia Ports World oo iyadu hadda gacanta ku haysa Dekeddaas, waloow ay Masuuliyiintii hore ee Dekeddu weli la shaqeeyaan Maamul ahaan.

vlcsnap-2017-06-19-00h20m33s633

Waxaannu Shirka Jaraa’id ee ay Masuuliyiintaasi kaga warbixiyeen Qaybta Dekedda Berbera ka tirsan ee Caawa gubatay, aannu idiinku soo gudbinaynaa isaga oo dhammaystiran Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here