DAAWO+AKHRI: Wasiir GARAS Oo U Caqli Celiyey Kaadiriin WADDANI Ah Oo Ku Abtirsada Beesha Murrashaxa KULMIYE Oo Meel-kaga-dhacay Milgihii Xisbiga Ay Metellayeen

0
183

“Kolley Arrintii Ka Soo Yeedhay Siyaasiyiinta WADDANI Ee  La Beesha Ah Murrashaxa Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Runtii Wax Aad Iyo Aad Iiga Yaabiyey Bay Ahayd”

Hargeysa (Hubaal)- Wasiiru-dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Cismaan Garas ayaa si adag uga jawaabay hadallo laaqi ah oo siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI ka soo yeedhay kuwaasi oo isu wakiishay arrin aan iyaga wax laga weydiinayn   oo  ku saabsan musharraxnimada guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Xubnahan uu wasiirku ka jawaabayo hadalkooda ayaa mar ay toddobaadkan warbaahinta la hadleen waxaa ay qaab beellaysan oo dhegxumo ku ah nidaamka xisbiyada badan ee Somaliland ka hirgalay u qabyaalladeeyeen musharraxnimada Muuse Biixi Cabdi oo ay ku doodeen in beeshoodu katanaasushay xilkaas, iyaga oo u nisbeeyey in Muuse Biixi aanay la soconin siyaasiyiintii beeshiisu. “Kolley arrintii ka soo yeedhay siyaasiyiinta WADDANI ee  la beesha ah murrashaxa xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, runtii wax aad iyo aad iiga yaabiyey bay ahayd”. Sidaas ayuu yidhi wasiir Yuusuf Cismaan Garas oo maanta  xafiiskiisa ugu warramay   weriye Bedri Koosaar Maxamuud Oo ka tirsan telefishanka ERYAL. Wasiir Garas waxaa uu sii faahfaahiyey hadalkiisa waxaanu  su’aal geliyey ujeedadaka dembeysa siyaasiyiintaasi WADDANI   hadalladooda, kuwaas oo ceebku ah nidaamka dimuqraadiyadeed ee aynu ku dhaqanno “Innagu saddex murrashax baynu leennahay oo saddexda xisbi qaran kasoo kala jeeda, laakiin sida aan anigu ku ogaaa nidaamka xisbiyada innagu ma lihin murrashaxiin reero ah oo la leeyahay innaga oo reer Hebel ah baa murrashax ah iyo innaga oo reer hebel ah  waxaanuka tanaasulnay musharraxnimadii  aanu rabnay, taasi waxay gef ku tahay dhabihii xisbinnimo ee aynu jeexannay, waayo musharraxiintu kuma sallaysnayn reerka ay ka soo jeedaan, taasina siyaasiyan waxay noqonaysaa mid dhaawac weyn ku ah sumcaddii Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiyada, weliba nimanka hadalladaasi yidhi rag aqoon yahanno ah oo wax la bidayay bay ahaayeen oo rejadooda mustaqbalka ee siyaasaddeed loo han weynaa. Hadalladaaasi marka la dhadhamiyo waxa keliya ay tusaale u noqonaysaa in markii ay raggaasi waayeen wax kale oo Iimo ah oo murrashax Muuse lagu cambaareeyo inay lanoqoto inay yidhaahdaan ninkani [Muuse Biixi] Ilmaadeerradii ma wato, waxayse hilmaansan yihiin inay dimuqraadiyaddu ay meesha ka saarayso inuu musharraxu ilmaadeeradii  aanu wada wadankarin oo ay qaar kasoo horjeedaan qaarna taageersan yihiin, Laakiin Muuse Waxaa uumusharrax u yahay xisbiga KULMIYE,  xisbiga KULMIYENa waxaa ku dhan dhammaan dadka Somaliland wada dega, xisbiyada kalena waxaa u sharraxani waa rag nala tartamaya annaga, garoon baana la isla tegi doonaa nin iyo nasiibkii iyo kartidiisa lagu kala bixi doono ”. Ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Md. Yuusuf Garas.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here