DAAWO+AKHRI“Madaxweynaha Waxan Uga Mahad Naqayaa Magacaabista Axmed Abokor, Waxaanan Leeyahay ‘Waad Gudatay Muusow Xilkii kula gudboonaaye’-   Afhayeenka wasaaradda waxbarashada 

0
110

“Madaxweyne Muuse Biixi Intii Aan La Dooran Ayaa Mar Aanu Xaflad Isugu Nimi Waxaan Ku Idhi; Madaxweynaha JSL Ee Soo Socda Ayaad Noqonaysaa, DAbadeed rag badan baa arrintaa igu yaabay laakiin Anigu…..”

Hargeysa (Hubaal)- “Madaxweyne Muuse Biixi Intii Aan La Dooran Ayaa Mar Aanu Xaflad Isugu Nimi Waxaan Ku Idhi; Madaxweynaha JSL Ee Soo Socda Ayaad Noqonaysaa, DAbadeed rag badan baa arrintaa igu yaabay laakiin Anigu…..” sidaas waxaa yidhi  Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan oo maanta kamid ahaa masuuliyiin ka qayb galay xaflad  uu

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Mudane Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon) xilka ugu kala wareejinayay   agaasimihii hore ee wasaaradda waxbarashadda Mudane Axmed Abokor Maxamed iyo Agaasimaha cusub Mudane Maxamed Faarax Xareed oo uu dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u soo magacaabay wasaaradaasi, halka Agaasime Abokor loo wareejiyey Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga taasi oo ka mid ah Wasaaradaha cusub ee uu madaxweynuhu mudo xileedkiisan yagleelay.

Munaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey ayaa waxa ka soo qaybgalay Madaxda waaxaha kala duwan ee wasaaradda waxbarashadda, Madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, hay’adaha UN-ka, Salaadiin, Xildhibaano iyo shaqaale weynaha wasaaradaasi, waxana halkaa laga soo jeediyey khudbado badan oo iskugu jirey sagootin la sii sagootiyayo Agaasimaha xilka ka degay iyo hadalo lagu soo dhaweynayo Agaasimaha cusub ee xilka la wareegaya, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen muhiimada wasaaradda waxbarashaddu ugu fadhido qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Afhayeenka Wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska mudane Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan oo kamid ahaa masuuliyiintii halkaasi khudbadaha ka jeediyey ayaa agaasimaha hore ee wasaaradda laga bedalay ahna Agaasimaha cusub ee wasaaradda maalgashiga ku timaamay masuul ay wasaaradda waxbarashadu tebi doonto isaga oo ka sheekeeyey sifooyinkii u gaarka ahaa ee ay ku arkeen intii wada shaqayntu ka dhaxaysay,   waxana hadaladiisii ka mid ahaa;

“Dhammaan bahda waxbarashadda iyo marti sharafta kaleba waxan uga mahadnaqayaa ka soo qaybgalka munaasibadan. Waxyaabaha aan ku xasuusto Axmed Abokor Waxa ka mid ahaa; wada shaqaynta hay’adaha iyo wasaaradda waxbarashadda oo intii aanu iman hakad galay balse markii wasaaradda loo soo magacaabay uu soo celiyey, iyo sidii uu iskugu soo jiidi jirey shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda waxbarashadda. Shakhsi ahaan waxan ka wada shaqaynay hawlo xaasi ah oo aad u adkaa markaa waxan ku majiiran doonaa sidii uu hawlahaa uga soo baxay ee uu u gutay. Dhawr jeer ayaan is idhi bal ku dayo sidan dulqaadka iyo kartida leh ee axmed u dhaqmo runtii waan ku turunturooday sidaan iskugu eegaysii lahaa.” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka wasaaradda waxbarshada iyo saynisku, waxaanu intaa ku daray “Markaa waxan Axmed maanta leeyahay tix uu Cali Sugule (Dun-carbeed ) tiriyey taasi oo ahayd; ( Waad Gudatay Muusow Xilkii kula gudboonaaye), waxa kale oo aan madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi uga mahadnaqayaa magacaabista Axmed Abokor Maxamed. Intaan la dooran madaxweyne Biixi ayaan mar aan xaflad iskugu nimi ku idhi waxaad noqonaysaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ee soo socda, markaa rag badan baa arrintaa igula yaabay laakiin anigu saansaanka muuqda ayaan arkayey., sidoo kale Axmed Waxan leeyahay saanqaadkii nin noqonaya ama dhawaan loo magacaabayo xil kan ka sareeya, markaa waxan ku soo koobayaa dhawaan filo mansab kan ka sareeya” ayuu yidhi Md. Cabdillaahi Ibraahim XAaji Xasan Afhayeenka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland.


A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here