MAANSADA Dabahuwan, waa dareen garasho oo dhinacyo badan oo aan dulxaadis ahayn. Waa halgan aan timaaddada uun loogu seefo tumanayn ee tagtadana aad loogu nacdalayo. Tagtada waa la nacdalayaa sababta oo ah siyaasadi ma noola, dadnimo ma noola, dhaqan ma noola, dhaqaalena hadalkiiba daa! Haa,
Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi) iyo Maansada Dabahuwan bal aan idiin kala baxo | DAAWASHO WACAN
“Rabbow dunidaada weyn
Dabaylo fayow ku xeer
Intii dulin baas dhex taal
Rabbow diga-xaadh ku fiiq.
Rabbow magac dawladeed
Intaan dugsanayn yiqiin
Rabbow dumi waa hungee.
Distuurrada baaddilka ah
Intaan xaqa daafacayn
Ka reeb dambas waab dhex yaal.
Rabbow dalka kaanu nahay
Intii degel muummin yaal
Wanaag ku dallaallimee
Islaamka ka soo dabbaal
Waxay ku dulloobayaan.
Haweenkuna waa duggaal
Deeqdaada badh bay yihiin
Waxaa lagu daaqayaa