Dabley Kasoo Duushay Puntland Oo Somaliland Ka Dhex Afduubtay Mas’uuliyiin Komishanka Doorashooyinka Ka Tirsan

0
24

Ceerigaabo (Hubaal):- dabley ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa Shalay degaanka Sanaag-bari gaar ahaan meel u dhexaysa magaalooyinka Yubbe iyo Hadaaftimo ka qafaashay xubno isugu jira Komishanka Doorashooyinka  Qaranka Somaliland, Xildhibaanno Degaanka Ceerigaabo, Iyo Urur Wacyigelineed.

Xubnahan la qafaashey oo laga tilmaamay Guddoomiyaha Komishanka G/Sanaag Axmed Cali Biixi Guddoomyaha Ururka Waddaniga ah Ee Taakulo  Cumar Jaamac Faarax iyo Xildhibaan Qamar Maxamed Saalax oo katirsan golaha degaanka Ceerigaabo ayaa subaxnimadii Shalay iyagoo ka ambabaxay magaalada Ceerigaabo waxay usii jeedeen dhinaca Magaalada Badhan ee Sanaag-bari si ay halkaas ugasoo fuliyaan wacyigelinta qaadashada kaadhka doorashada ee bulshada.

ciidamo-300x169Waxana sida la sheegay meel dhexe ka helay ciidan qalabaysan oo ka mid ah Ciidanka Puntland u jooga degaannadaas waxana xubnahaas iyo gaadiidkii ay wateen loo sii qafaashey dhinaca jihada bari ee ay u socdeen.

Maayorka Degmada Badhan Cabdalle Maxamuud Cabdi oo  ka waramay falkan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey jiritaankiisa “Goor dhoweyd (Xalay Fiidkii) ayaan maqlay in ciidankaas Puntland dhexda kaga hortageen oo ay soo wataan welina nama soo gaadhin, mana jirto cid annaga nagala soo xidhiidhay ama xataa noo soo sheegtay inay noo imanayeen”.

Wararka  kale qaarkood ayaa sheegaya in ciidanka qafaashey mas’uuliyiintaas ay geeyeen islamarkaasna ay ku xidhan yihiin isla gudaha magaaladda Badhan. Waxana wararku intaas kusii darayaan in ilaa habeen horeba ay jireen ciidammo wata gaadiidka teknikada oo dhinaca Puntland kasoo gaadhayey magaalada Badhan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here