Askartan Ayaa Lagu Eedeeyey Inay Dhaawaceen Oromo Tahriib Ah+Kiiska Maxakamadayntooda Oo Loo Gudbiyey Maxakamadda Gabiley
Dacwad Ka Dhan Ah Ciidan Tacshiirad ku Furay Tahriibeyaal Qowmiyada Oromada Kasoo Jeeda Oo Garsoorka Loo Gudbiyey
Gabilay (Hubaal) Dacwadda laba Askari oo muddo bil ah u xidhnaa toogasho ay la beegsadeen gaadhi siday Oromo Tahriib ah oo nin ku dhaawacmay ayaa la filayaa inay maalmahan ka furanto maxkamadda Gobolka Gabilay.
Sida uu qoray degelka Waaheen.com oo wargeyska HUBAAL warkan kazoo xigtay Askartan ayaa rasaas ku furtay gaadhi ay saarnaayeen Rakaab Tahriib ah, waxaanay haleeshay mid ka mid ah tahriibayaashii, kaasoo dhaawaciisa lagu daweynayo cisbitaalka Gabilay. Wararka laga helay kiiskan ayaa sheegaya inay maamulka Gobolku maaraynayaan qaabkii ninka dhaawacmay loogu gudbin lahaa eheladiisii, kadib marka la dhameeyo Dacwadda Askarta. Tahriibka Oromada ama dadka Itoobiyaanka ah ayaa si xawli ah uga gudba Somaliland, waxaanay gaadiidka Tahriibiya iyo dadku-ba la kulmaan talaabooyin badan oo ay xukuumadda Somaliland isku daydo inay ku joojiso, hase yeeshee waxay la soo baxaan tab iyo xeelad ay ku dhaafaan.