Hargeysa:(Hubaal)-Guddida diiwaangelinta ururrada iyo ansixinta axsaabta Siyaasadda, ayaa maanta la ballansan qareennada metelaya labada garab ee uu u kala fadhiyo xisbiga WADDANI, si loo ambo qaado dacwaddii uu hore garabka Axmed Muumin Seed uga gudbiyey garabka kale.
Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya wargeyska Hubaal, waxa ay guddida diiwaangelinta ururradu kulan ballaadhan la yeelan doontaa qareennada labada dhinac kala metelaya, waxana la lafo guri doonaa habka dacwaddaas loosii wadi doono iyo doorka ay dhinacyadu qaadan doonaan, iyadoo madaxda labada garabna loo diri doono farriimo la xidhiidha dacwaddaas.
Kulanka ay guddidu maanta kula ballansan tahay qareenada labada garab ee xisbiga WADDANI metelaya, ayaa ka dhici doona xarunta ay guddida diiwaangelinta ururradu ku leedahay magaalada Hargeysa, waxana kulanaas u dhegaagaya dhinacyada ay dacwaddaasi u dhaxayso.
Kadib kulanka maanta, waxa si toos ah loogudo geli doonaa dacwaddaas, waxana goob joog noqon doona hoggaanka labada garab ee xisbigaasi u kala qaybsan yahay, iyada oo qareenadu ay goob joog noqon doonaan.
Natiijada dacwadaas, ayaa soo afmeeri doonta garabyada labada ah ee muddada bisha iyo dheeraadka ah uu xisbiga WADDANI u kala fadhiyo, waxana ay bulshadu si weyn u naawilaysaa natiijada aakhirka dambe lagu dhawaaqo.