Pedrógão(Hubaal):- Ugu yaraan 57 Qof, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen, Dad kale oo Konton Ruux ka badanina ku dhaawacmeen, Dab ka kacay Keyn ku taal magaalada Pedrógão Grande ee badhtamaha Waddanka Burtiqiiska.
Inta badan dadka ay waxyeelada ka soo gaadhay dabkani ayaa dhintay iyagoo ku dhex jiray baabuurtooda, waxaana gudaha baabuurtii ay wateen ugu galay uuro iyo holaca dabka.
Meydadka seddex qof oo kale ayaa laga helay meelo u dhaw xabaal ku taala magaaladaasi, kuwaas oo la rumesanyahay in ay u dhinteen dhaawac ka soo gaaray dabka.
Boqolaal katirsan waaxda dab damiska ee dalka Burtuqiiska ayaa la tacaalaya xaalada, kuwaa oo isku dayaya inay baqtiyaan dabka, balse dhinaca kale duqa magaalada uu dabka ka kacay oo la yirahdo Mr Valdemar Alvesqof ayaa sheegay in dad demiyaasha aysan ku filneyn wax ka qabashada baaxada dabka ka kacay keynta.
Keynta uu dabka ka kacay, ayaa waxaa booqday Eai”sul wasaaraha dalkaasi, waxaana laga cabsi qabaa inay korodho tirada dhimashada, mana cadda waxa sababay dabkani.
Xigasho BBCSomali.com.