Xafiiska Garyaqaanka Guud Ee Somaliland Oo Tallaabo Boggaadin Mudan Leh Ku Macneeyay Go’aankii Madaxweynahu uu Gacanta Ugu Soo Celiyey Adeegyo Qaranka Muhiim u ahaa Oo uu Sheegay In Cid Gaar Ah Lagu Naas-Nuujin Jiray
Garyaqaan Xuseen Belel Oo soo bandhigay Qaabka Sharciga Loo Waafajin Karo Go’aamadii Guddida Dhexdhexaadinta soo saartay Oo Uu Ku Sheegay Saddex Arrimood Midkood
Hargeysa (Hubaal) Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel ayaa tallaabo boggaadin mudan leh ku macneeyay go’aankii uu madaxweynahu gacanta ugu soo celiyey adeegyo qaranka muhiim u ahaa oo uu sheegay in lagu naasnuujin jiray shirkado gaar loo leeyahay, kuwaas oo lacago malaayiin doolara ku cuni jiray, isagoona xusay in go’aanka madaxweynaha uu salka ku hayo fulinta balanqaadkii uu hore u sameeyay ee dhigayay in shirkad kasta oo adeeg dawladeed lagy wareejiyay dib loo eegayo heshiishyadii lala galay. “Horuu madaxweynuhu amar uga bixiyey 2018-kii in dhammaan shirkasta oo heshiis lala galay, heshiiskeedii dib loo eego, dabadeed lagala wareego, loona qiimeeyo wixii ay lahayd, arrintaasina waa tallaabo aad iyo aad loo soo dhaweeyo
Garyaqaan Xuseen Belel waxa uu ka dhawaajiyay in Somaliland aanu ka jirin shuruuco lagu dhaqmo oo loo sameeyay tallaabooyin uu ugu yeedhay naas-nuujinta ee adeegyadii ay dawladdu qaban lahayd, balse ay waa sida uu hadalka u dhigaye ay ku timid dookh iyo doonista dad aanu magacaabin, waxaanu ceeb iyo foolxumo ku tilmaamay in hantida qaranka lagu naasnuujiyo shirkado iyto shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo uu tusaale u soo qaatay warqada waddo-marista gaadiidka, iyo warqada loo qoro qofka marka uu dhaawac soo gaadho ee loo yaqaano Rifeertada ee ay bixiyaan saldhigyadu. “Dad gaar ah baa lagu naasnuujiyey shirkado iyo shaqadii adeegii dawladu dadka u qaban lahayd oo malaayiin doolar baa lagu cunay. Dalkeennu ma laha waxa la yidhaahdo, Puplic Private Paternship, ama siyaasad iyo xeerar u abuuran oo loo sameeyay oo lagu dhaqmo, laguna ilaaliyo arrimahaas. Laakiin dad caashaq uun bay ahayd iyo dookhooga uun ah oo iyagu doonaya inay cid ku naasnuujiyaan, tusaale ahaan waa adiga oo kale oo aan ku idhaahdo mashruucaa adigu wado. Wixii dawliga ahaa oo madbacadda qaranka waad aragtay, waxa la sheegayay in warqada Rifeertada ee marka qofku dhaawacmo loo sameeyo, waxa la siiyay cid oo haysatay.” Ayuu yidhi
Geesta kale, Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel waxa boggaadiyey go’aamadii dhawaan ay soo saareen ergadii dhexdhexaadinaysay mucaaridka iyo xukuumadda, isla markaana rejo wanaagsan laga qabo inay xal u noqdaan khilaafyada taagan. Waxaanu xusay qaabka go’aamadaasi sharciga loo waafajin karo, oo uu ku sheegay saddex arrimood midkood. “Laba arrimood bay noqonaysaa, haddii sharcigii la raacana yara dariiq dheer ayay noqonaysaa habkii xilka looga qaadayay guddida doorashooyinka. Kow, Waa in golihii wakiillada lagu celiyo ayay noqonaysaa, halkaana lama garabn karo waxa kasoo baxaya. Laba, Maxkamadda sarena waa laga dalban karaa go’aanada inay wax ka tidhaahdo. Ta saddexaadna waa in iyagu (guddida doorashooyinka) iscasilaan, mar haddii la yidhi laydinkuma kalsoona, inay dadka u fududeeyaan oo iscasilaan, waana dariiqa ugu fudud.” Ayuu yidhi Ku-xigeenka garyaqaanka guud ee Somaliland, Xuseen Maxamed Bebel oo shalay warbaahinta ugu waramay magaalada hargeysa