Hargeysa (Hubaal) Hay’adda iqaasada iyo daryeelka ee magaalada Hargeysa ayaa gaybisey xoolhii ay ugu talogashay Ciidal-udxadda ee sanadkan 2019 taariikhda miilaadiga iyo 1440 taariikhda hijriyada.
Munaasibadda qaybinta oo ka dhacday hargeysa, ayaa waxa ka gayb galay mudane Khalid ba Akhdar oo ah madaxa ka socday xafiiska guud ee hayadda xarunteedu tahay boqortooyadda sacuudi Carabiya, Madaxa raabidada caalamka islaamiga Maxamed bin. c\karim al ciisa oo uu weheliyo madaxa hayadaiqaasada, C\casiis bin Axmed al sarxaan iyo madaxa xafiiska hay’adda ee Hargeysa oo horkacayey barnaamijka sanadkan, Iyadoo ay ka faa’idaysteen dad ka badan 800 qoys danyar ah uu ku nool magaaladda Hargeysa.
Barnaamijka lagu qaybinayay xoolaha udxadda ee sanadkan oo hay’addu ku qaybisay tiro dhan 400 neef oo adhi ah, ayaa lagu gaybiyey xaafada Digaale iyo xaafadda macalin Haaruun, iyadoo dadka xaafadahaasi ku nooli ay ka faa’ideysteen.
Hay’adda iqaasada iyo daryeelka ayaa ah hayadda muddo dheer ka shagaynasay Somaliland, waxayna xarun wayn ku leedahay magaaladda Hargeysa.