Hargeysa (Hubaal)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay qiimaha ay ummada Somaliland u leedahay halgankii dalka loo soo maray, isla markaana wuxuu hoggaamiye kasta u soo jeediyay inay ka dhabeeyaan hiigsigii SNM.
Guddoomiyuhu hadal uu ku faafiyay barta Face buuga, waxa uu ku taliyay in Taariikhdii la soo maray dib loo darso si looga badbaado khaladkii hore oo kale.“Xuska Shuhadada SNM Oktobar-17 Oktoobar,
ILLAAHAY naxariistii Janno haka waraabiyo dhamaan Shuhadadii SNM ee naftooda u-huray la dagaalankii dulmiga iyo helitaanka xoriyada iyo qaranimada Somaliland”,ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
wuxuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi, “hogaamiye kasta oo Somalilander ahina waa inuu ka dhabeeyaa Hiigsigii SNM oo ahaa Shacab ku naallooda Cadaalad & Horumar.
horaa loo yidhi dadka aan taariikhda wax ka baranini waxay ku qasbanaadaan in ay qaladkii hore dib ugu noqdaan”.