“Dadka Dorraad UDUB Ahaa Ee Shalay KULMIYE Ahaa Ee Haddana Maanta WADDANI Noqday Waa Kuwaanu Doonayno Inaanu Ummada Ka Fadhiisino Waayo….”

0
61

Feysal Cali Waraabe Oo Naqdiyey Sooyaalka   Siyaasiyiintii Dhawaan Iska Xaadiriyey Xisbiga WADDANI

“Anigu Haddaan Seexdo Oo Aan Soo Tooso Feysal Uun Baan Ahay Ee Ismaan Bedelin Oo Bani’aadamka Dib Looma Abuuri Karo, Kuwaasina waa kuwa  maanta halkaasi inna dhigay, qofkastana rikoodhkiisa waa la hayaa”

Hargeysa (Hubaal) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in la siyaasadaynayo colaada u dhexaysa labada beellood ee dagaalku ku dhex-maray deegaanka Dararweyne ee degmada Ceel-afweyn. Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo shalay  ku soo laabtay magaalada Hargeysa, ka dib socdaal uu ugu maqanaa dalka dibadiisa waxa kale oo guddida doorashooyinka ku bogaadiyay go’aankii ay ka soo saareen in xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ay olole siyaasadeed bilaabeeen. “Walaaleyaal dalka waxaan ka maqnaa 22 maalmood oo waxaan socdaal ku tegey dalka Canada iyo dalal kale oo Finland ka mid tahay. Intii aanmaqnaana dalkeena waxaa ka dhacay dhawr dhacdo, mida koowaad waxaan ka xumahay dadka isku dilaya degmada Ceel-afweyn, arrintaasina waxay muujinaysaa tamar la’aan teenna, dabacsanaanteena iyo iyadoo weli aanay dawladnimadeenu korin waayo meel qabiil isku dilaa waameel aan nidaam jiriin oo aanay kala dembayni jirin, waxaan leennahay dadkaasi waa la hagraday, shaqaaqadaasi in badan bay soo socotay. Qabaa’ilku way is dili jireen laakiin shaqaaqadani way siyaasadaysantahay ee halaga daayo siyaasadda ayaan leeyahay”. Sidaas ayuu yidhi Feysal Cali Waraabe isaga oo intaa ku daray “iyagana [labada beellood ee Ceel-afweyn ku diriray] maanta qofkii dhintaa cadaabta ayuu tegayaa waayo waxaad ku dagaalanteen cunfi qabiil ee joojiya ayaanu idin leennahay”. Geesta kale waxaa uu Feysal Cali WAraabe ka hadlay siyaasiyiinta guurguura ee ukala digarogta axsaabta siyaasadda oo uu sheegay in ay yihiin kuwo Somaliland ceebku ah, isaga oo u duur xulaya siyaasiyiin dhawaan sheegay inay ka digarogteen xisbiga KULMIYE oo ku biireen xisbiga WADDANI, kuawaas oo ay hor kacayeen Siyaasi Abiib Diiriye Nuur [Timo-cad] iyo Ismaaciil Aadan Cismaan [Ismaaciil-yare] “dadkii 25-kaa sanno Somalialnd taladeeda hayay ee dorraad UDUB Ahaa, ee shalay KULMIYE ahaa ee haddana WADDANI noqday,d ee bani aadamka dib looma abuuri karo ee waa  kuwii uun, anigu haddaan seexdo oo aan soo tooso Feysal uun baan ahay. Dadkaasi walaalayaal waa kuwa aanu doonayno inaanu ummada ka fadhiisino waayo waa maanta halkaasi inna dhigay ee gaajada inna baday, qof kastaana wasaarad buu kasoo shaqeeyey oo rikoodhkiisii waa la hayaa ee maanta maxay qaban karaan.  ”. Ayuu yidhi guddoomiyaha UCID

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here