“Dadka Naga Soo Horjeeda Odhan Mayno Haddaanu Qufacno Nala Qufaca, Haddii Aanu Soconana Nala Socda, Laakiin Waxanu Leenahay…”Wasiir Maxamuud Xaashi

0
48

Wasiirka Madaxtooyada Oo Sharraxay Farsamooyinka Xukuumaddu Kaga Gudubtay Tashuush Mucaaridku ku Furay Mashaariicda Horumareed ee Dalka laga Hirgeliyey

maxamuud xaashi wasiirka madaxtooyada

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa farriin adag u diray dadka kasoo horjeeda mashaariicda horumarineed ee ay xukuumaddu ka waddo meelo badan oo dalka kamid ah, waxana uu bulshada uga digay inay dhegaystaan wararka tashuushka lagu furayo arrimahaas.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo ka hadlay madal xadhigga lagaga jaray Riig-biyood laga hirgeliyey deegaanka Sallaxley ee Koonfurta gobolka M/jeex, ayaa soo xigtay odhaaho ay mucaaridku faafiyeen waqtigii xukuumaddu doonaysay inay xidho seeraha banka qool-caday, kuwaas oo markii dambe beenoobay, waxana uu yidhi, “Dadka cudurrada maal-gashi diidku ku dhacaa waxa ay yidhaahdeen Bari baa dad laga soo rarayaa oo lagu furayaa banka Qool-cadey, laakiin ilaahay dadka qof walba deegaan buu ku abuuray oo cidina cid kale deegaanka  kama qaadi karto.”

Waxa uu wasiirku sheegay inay xukuumad ahaan hilaadiyeen aragtiyo cusub oo dalka lagu horumarinayo, kuwaas oo ay adag tahay inay dadka rayidka ahi si fudud ku fahmaan, isaga oo caddeeyey in kuwii aragtiyaha horumarineed ee xukuumadda ka hor yimi aan wax cabudhin ah loo geysanin, “Waxa la isku xukumaa ninka hoggaamiyaha ahi wuu ka aragti dheer yahay dadka rayidka ah ee caadiga ah, waxana uu ilaahay masuuliyadda u saaray inuu keeni karo oo garan karo wax aanay dadka kale garanaynin, waxana la talisa inta umadda u caqliga badan, annaguna dadkii naga hor yimi xoogna kumaan caabiyin, jeelashana kumaan shubin oo waxanu nahay xukuumad dhawrta xuquuqda iyo xorriyaadka muwaadiniinta,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay inaanay lacago ku bixinin qancinta reer Sallaxley, balse ay aragtiyo horumarineed ku qanciyeen, isla markaana ay xukuumad ahaan ka gudbeen caqabado badan oo mashaariicda horumarineed loo dhigay, waxana uu yidhi, “Reer Sallaxley maanu laaluushine waanu qancinay oo intii badnayd baa na raacday, arrintuna waxa ay gaadhay in xataa dawladihii deeqaha ina siinayey dacwaddu gaadho oo ay nagu yidhaahdaan cashuurta dadkayaga dooni mayno in dhiig lagu daadiyo.”

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday inay ixtiraamayaan xukuumad ahaan aragtiyaha kasoo horjeeda tallaabooyinka horumarineed ee ay wadaan, balse masuuliyadda saarani farayso inay bulshada u hoggaamiyaan halka u arkaan inuu manfacoodu ku jiro, “Dadka naga soo horjeeda odhan mayno haddaanu qufacno nala qufaca, haddii aanu soconana nala socda, laakiin waxanu leenahay dalkan annagaa ka xukuumad ah oo Axmed Siilaanyo ayaa madaxwene ka ah oo sifo sharci ah loo doortay, annaguna kaaliyayaashiisii baanu nahay oo ammaanadaa annagaa naloo dhiibtayoo waxa waajib nagu ah inaanu umadda hoggaamino oo wixii wanaagsan ku hagno,” ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here