Dadka Reer Boorama Maxay Ka Yidhaahdeen Go’aanka Xukuumadda Siilaanyo ee Lixda Goobood?

0
60

Boorama (Hubaal):- Qaar ka tirsan dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, ayaa dareen isku mid ah kaga jawaabay go’aan Xukuumadda Somaliland ka soo saartay goobo hore loogu murmay oo aan doorashooyin iyo diiwaangelin midna laga qaban oo Wasiirka arrimaha gudaha ee Axaddii Xilka la wareegay Jaamac-Faratoon ka akhriyey Xafladdii xil-ka uu kula wareegay. Qoraalka uu Wasiir Faratoon ka akhriyey Munaasibadda uu xilka kula wareegay, ayuu ku sheegay in lixda goobood ee lagu muransan ee deegaanka Caadda oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, diiwaangelinta Codbixiyeyaasha laga qabanayo, isla markaana dadka iska diiwaangeliyaa codayn karaan keliya doorashada Madaxtooyada ee aanay Gole deegaan iyo mid Baarlamaan toona u codayn doonin.

dadweynaha magaalada boorama ku dhaqanHase-yeeshee, qaar ka tirsan dadweynaha reer Boorama oo Weriyaha Star TV ee Boorama shalay wax ka weydiiyeen dareenkooda la xidhiidha go’aanka Xukuumadda ee Wasiirka Daakhiligu shaaciyey, ayaa muujiyey inay ka xun yihiin go’aankaas, isla markaana uu yahay mid ay Xukuumaddu doonayso inay dadka iyo dalka khalkhal ku geliso sida ay ku doodeen, waxaanay intaas ku dareen inaanu Wasiir Faratoon waxba ka sheegi Karin deegaanka lagu muransan yahay iyo cidda xaq u leh toona, ee Warqad la hoos-dhigay uun uu akhriyey.

Dadkaas rayigooda ka hadlay ee Boorama mid ka mid ahi waxa uu yidh; “Wasiirka arrimaha guduhu wuxu ku hadlayey wax nin weyni ku hadlo maaha. Dhul cusub oo Illaahay xalay keenay ma jiro, Dhulku halkii uu yaallay buu yaallaa. Haddii ay goobo yihiin iyo haddii ay Beelo yihiin-ba wax cusubi ma jirto. Wasiir Faratoon goormuu meesha ogaaday, goormuu xaqiijin karaa cidda leh ee dhulka deggan, goormuu odhan karaa waannu kala saaraynaa cidda ku muransan shalay (dorraad) baabu xilka la wareegee?”

“Waxaan leeyahay adeer dhulkaa dadkii lahaa baa deggan, waana diiwaangeshan yihiin.” Sidaa waxa yidhi mid kale oo ka mid ah dadweynaha reer Boorama ee aragtidooda ka dhiibtay go’aankan Wasiirka cusub ee arrimaha guduhu soo saaray.

Ruux kale oo isna ka hadlay arrintaas, ayaa yidhi; “Horta, waxa ayaan-darro ah Wasiir xil la wareegaya in Warqad la hoos-dhigo. Anigu waxaan qabaa Wasiir Faratoon Warqadda uu akhriyayey inaanu xataa isagu ogeyn ee ay tahay wax la hoos-dhigay, waayo? Isagoo Xaflad xil-wareejin ah jooga oo xilka la wareegaya iyo waxa uu warqadda ka akhriyey wax isleh maaha, ee waa wax cid kale oo ujeeddo lihi hoos-dhigtay ee ka fiirso ayaan odhan lahaa.”

“Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha waxaannu leenahay xilka waad ku cusubtay ee khaladaadka iska ilaali, go’aankanina waa go’aan qaldan ee dib isugu noqo ayaan odhan lahaa.” Sidaana waxa yidhi mid kale oo ka mid ah dadweynaha Reer Boorama ee ka dareen-celiyey go’aanka Xukuumadda ee Wasiir Faratoon akhriyey.

Mid kale oo ka mid ah dadkaas oo cabbiray fikirkiisa, waxa uu yidhi; “Waxaa muuqata inay dowladdu ujeeddo ka leedahay go’aanka ay ka soo saartay goobaha lagu muransan yahay ee ay sheegayso, waxaana cad in Xukuumadda Siilaanyo muddo-kordhin doonayso. Markaa, waxaannu leenahay haddaad muddo-kordhin doonaysaan cidi idinkama horjoogtee iska korodhsada oo dadka iyo dalka rabshadda ka daaya.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here