Muqdisho () – Wararka ka imaanaya magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli magaalada ay ka jiraan cuduro aan la garaneyn oo shacabka degmada u dhimanayaan.
Maamulka degmada waxa uu ku andacoonaya in degmada aysan laheyn adeegyada caafimaad iyo dhaqaatiir turxaan bixisa waxa uu yahay cudurkaani.
Astaamaha cudurka dadka ay qaadanayaan ayaa sarkaal maamulka ka tirsan waxa uu ku sifeeyey mid hargab iyo qandho wata saacado kadibna qofka uu u dhimanayo.
Sidoo kale sargaalkaasi waxa uu inoo xaqiijiyey in ay maalinba maalinta ka dambeesa ay sii kordhayaan dadka cuduradaasi u dhimanaya oo ay caruurta u badan yihiin.
Somalilandtoday