“Dadka Waan Ka Quustee, Dunida Show Rag Baa Nool!!!!” W/Q: Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi

0
88

Dr. Fu’aad Cabdisalaan X. Xasan, Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda JSL. Waa masuulkii u horeeyay ee u hoyda Saddex habeen degmada laasqorey, waxaana u suuragaliayay inuu u hoydo lana wadaago dareenkooda iyo xaaladda nololeed ee ay ku suganyihiin dhawr arimood oo ay ka mid yihiin:

  1. lexejeclada uu u qabo dalkiisa hooyo.
  2. Daacadnimo
  3. Hawlkarnimo

Agaasimaha Guud ee wasaaradd kalluumeysiga iyo khayraadka badda, Dr. fuaad cabdisalaan oo Saddex habeen u hoyday degmadda laasqorey. iska daa in masuul dowladeed u hoydee maba tagaan ayaa lagaa yidhi, waxaanay noqon doontaa arinkii abid uu sameeyo masuul dawladeed, waana wax ku cusub dhaqankii masuuliyiinta dawladda, hadaba masuulkan ay u suuragalisay hamigiisa iyo higsigiisa horumarineed dhacdo aan hortii aanu samayn masuul qaran.dhacdadan oo dadkii deegaanka rajo galisay, ilayn may arag masuul dawladeed oo intuu u yimaado, waliba ku darsaday inuu u hoydo, isagoo u kuur galaya xaaladooda nololeed.

Safar masuul xukuumadda ahna madaxweyne siilaanyo ugu danbeyey, arinkan layaabka leh oo la xidhiidha Safarkii shaqo ee uu agaasimuhu ku marayey xeebaha barriga Laasqoray.

Umadii cabananaysay carabkii gabanaayey wixii siidhi ciyaayey runtii ciiradu fuushay Cadceedii ifi laydee caadku baalasha saaray Coladii beesha dhexdeeda Iyo barigii cabanaayey Mamaantay cawadooda Rag uciidmiya. yeesheen

Ciidanka qaranka iyo ciidanka ilaaladda xeebaha somaliland ayuu agaasimuhu uga mahadcelinayaa sidii wanaagsanayd ee ay u dul taagnaayeen labadaa habeen, sidoo kale waxa safarka agaasimaha la socda oo ka mid ahaa, qalab kalluumeysi iyo raashin ku filan 900 oo qoys oo xukuumaddu ugu talo gashay degmadda laasqoray uu ayaamaha soo socda ku wareejin doono maamulka iyo odayaasha degmada laasqorey, waxaanu agaasimuhu sugayaa doon. Doontaas oo uu berbera ka soo raray soosocodkiisii hore, Balse badda oo kacsan awgeed hakatay

14732389_1117088261706706_2054430852038203824_nSidoo kale Wuxuu kormeer ku sameeyey waxqabadyadii xukuumadda gaar ahaan mashaariicdii madaxweynuhu dhagax dhigay intii la hirgaliyey.

Hadaba fuaad waa masuul garanaaya masuuliyadda loo igmaday, sidoo kale waa shakhsi ku suntan xilkasnimo, daacadnimo, hawlkarnimo, dadaal iyo hufnaan shaqo. Waxaana hagaysa aqoon, waana hormuudka dhalinyarada xilalka haysa. Runtii ifafaalaha muuqdaana waa mid si habsami ah u socda, oo ilaa gaadhsiisan xawaare aan masuuliyiintii hore looga baran, ilaahay waxaanu uga rajaynaynaa agaasimahaa isku darsaday dadaalka, da’yaraanta, aqoonta, ku dhaca iyo hawlkarnimada, inuu u fududeeyo hawlaha shaqo ee uu u hayo qaranka,

Waxa xaaji aadan afqalooc murtidiisii ka mid ahayd, isagoo tilmaamayay xurmada ay mudanyihiin masuuliyiinta ku suntan wax qabadka iyo horumarinta bulshadooda.

Dadka kale ninkiisii wax tara, way tamadiyaane.

Idinkuna caqliga taamudka ah waad ku tumata

Wabilaahi Atawfiiq

Qalinkii : Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi

HALKAN HOOSE KA DAALACO: Wararkii Iyo Warbixinihii Safarka Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysigu Uu Ku Marayo Gobollada BAri Ee Dalka, Gaar Ahaanna Berbera, Togdheer, Sanaag Iyo Badhan

 

DAAWO SAWIRRADA: Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga Oo Soo Bandhigay Qorsheyaal Ay Wasaaraddiisu Ugu Talo-gashay Jillaabashada Kalluunka Dalkeena

MUUQAALLO Cajiib Ah Oo Ku Saabsan Kormeer Uu Agaasimaha Guud Ee Kalluumaysiga Ku Maray Mashaariicdii Uu Madaxweyne Siilaanyo Hore Uga Furay Degmada Laas-qorey  

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here