Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Cusbitaalka ugu Tegay Dadka Ku Dhaawacmay Weerarkii Pizza House
Muqdisho(Hubaal):- Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo uu Weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah Jamaal Xassan ayaa booqday qaar ka mid ah dhaawacyadii ay wax yeellada ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee Al-shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho gaar ahaan Pizza House.
Ra’iisul-wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan oo ay yaalaan dhaawacyada, isaga oo gaarsiiyay deeq lacageed, yey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.
Waxa uu Raysal-wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayaa yidhi; “Dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galleen, dawladda –na waxaa ay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada.”
Dadka dhaawacyada qaba in isbitaalka yaalla ayaa waxaa ku jira iyo carruur iyo haweenka ka mid ahaa dadkii ay wax yeellada ka soo gaartay weerarkii Pizza House oo ay ku geeriyoodeen tiro ka badan 20 ruux.