Hargeysa (Hubaal) Musharaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa Xukuumadda ug baaqay inay wax ka qabto cabashooyin ay muujiyeen ganacsatada hilibka ee magaalada Hargeysa. Jamaal Cali Xuseen oo Wasiirka arrimaha guddaha Cali Maxamed Warancadde ugu baaqay inuu xuquuqada muwaadiniinta, waxaanu tilmaamay in la dhagaysto cabashooyinkooda. “Maanta waxaanu horjoognaa xarunta Wasaaradda arrimaha guddaha, waxaanan halkan ugu nimid dadkan faraha badan ee iskaashatada Nafaqo ee hiliblayda magaalada Hargeysa oo halkan cabashadooda ka muujinayey mudo laba cisho ah, waxay ka cabanayaan iyada oo sixirka loogu qali jiray xoolaha ay shirkaddii gaarka loo lahaa laba jibaar kaga dhigtay. Dadkani waa dad danyar ah runtiina waa in arrimahooda hoos loo eego, maaha in askar lagu fayliyo oo la xidho.” Jamaal Cali Xuseen waxa uu intaas raaciyay “Qof kasta oo reer Somaliland xuquuq ayuu u leeyahay inuu cawdo, Xukuumaddu hadday leedahay dadkii ayaan u kala hiilinayaa waa mid subxaana leh, waxa Xukuumadd loo doortaa waxa weeyaan inay dadka danyarta ah eegto arrimahooda iyo cabashadooda, haddii wax lagu kordhinayana wax macquul ah in lagu kordhiyo weeyaan. Laakin waa lagu laba jibaarayaa waa qalad.” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweynaha UCID. Dhinaca kale Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID waxa uu baaqa u diray Wasaaradda arrimaha guddaha, waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa wasiirka arrimaha guddaha iyada oo aad moodo inuu baryahan samaynayo waxyaalo ay ka muuqato kali talisnimo, maantana waxaan arkayaa iyada oo 70 qof xidhan yihiin loona xidhayo maxaad u cabanaysaan, waxaan leeyahay dadku xuquuq ayey leeyihiin.”ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.