“Dadkii Sow Tan Haadkiyo, Haanraawe Boobeen”

0
39

“Alaabtii dukaammada,

 Xagga loo duwaayiyo,

 Dillaalkiyo mallaalkiyo,

 Suuqyada dillaaciyo,

 Dambaskiyo daqiiqdiyo,

 Derbiyada madow iyo,

 Sarrifkeenna duuliyo,

 Halkuu maalintaa dego,

 Iib aan ku soo degin,

 Ama aan dibbow noqon,

 Danleydii idlaatoo,

 Dibadaha u yaacdaye,

 Dadow mayla aragtaan!

guurti

Maansada ‘Iska-daba-dhaca’ ee Deelleeydii Cali Xasan Aadan (Banfas), 3/3/1980kii, Hargeysa

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Go’aankii Guurtida iyo sida loogu kala Go’ay looguna kala Goosmay

Hargeysa, 16/5/2015ka,

Hordhac:

Waa Guddidii Doorashooyinka Qaranka. 3 xubnood waxa soo magacaabay Madaxweynaha. Golaha Guurtiduna 2 xubnood ayay soo magacaabeen. 2da, hadhsanna waxa soo magacaabay Xisbiyada Mucaaradka. Goddoomiyihii iyo ku-xigeenkiiba waxay ka dhex doorteen shantii xubnood ee ay dawladuu soo magacawday. Af-hayeenkiina shantaas ayaa laga magacabaay. Xisbiyada Mucaaradku diidmo hore ayay ka muujiyeen oo xaalku beeryihii hore sidaa uma dhici jirin ee Mucaaradka ayaa ku-xigeenka qaadan jiray. Markii la dooday Guddida Doorashooyinku waxay tidhi, meelo kala duwan aanu ka nimaadno ee Guddi keliya oo mideysan ayaanu nahay ee ha na kala saarina. Waxay intaa ku kabeen, da’na waanu joognaa, salaad-saxna waanu nahay, in aanu dhex idiin ahaannana waanu ku dhaarannay ee na aammina. Sidaas ayaa la isku aamminay oo meel qudh ah looga wada ambo-qaaday.

Habeen iyo maalinba waa ay shaqaynayeen. Qaylada iyo guhaadda lagu hayay ma ay yarayn. Su’aasha ugu badan ee la weydiiyaa waxay ahayd: “Goor ma ayaad soo saaraysaan xilli-markii (timeline-kii) doorashooyinka?” Joog iyo jiifba waa loo diiday. Maalin haddii laga maqnaadaba haddana Xisbiyada Mucaaradku waa ay la joogaan. Kulmiye iyo Xukuumadduna dhinac kale ayay kala xidhiidhayeen. Markii loo tagaba waxay lahaayeen waqti dhow ayaanu shaxdii lagu hawl-gelayay soo saaraynaa. Intaa la sugayay Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiyaba waa la eedaynayay. Iyaguna waxay ku jawaabayeen: “Mas’uuliyadda doorashadu annaga nama saarna. Wixii nagaga aaddanaa ama beegnaaba waanu bixinnay. Waa hawl Guddida Doorashooyinka Qaranka u taal.”

Wax la raagsadaba 9/4/2015ka ayay Madaxweynaha si rasmiya ugu qoreen maalinta Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu ahi bilaabmayso oo ay ku suntadeen 21/7/2015ka. Maa daama hiifka iyo haaraankuba bateen, Madaxweynuhuna warqaddaa agtiisa ma dhigin oo maalmo ma ay oolline, 12/4/2015ka ayuu wareegto rasmiya ku soo saaray maalinta ay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaashu bilaabmayso. Bravo! Dhankaana dhan dheh.

Guddidii Dooorashooyinka Qaranku 20/4/2015ka ayay si rasmiya u soo saareen maalinta ay doorashadu ka qabsoomi karto Somaliland haddii Eebbe. Dhaqanka iyo curfiga ayaa ahaa in marka hore inta aan lagu dhawaaqin Madaxweynaha loo sheego oo horto lagu wargeliyo. U tage oo hor fadhiiste.

Si aan sheeko malaha dheereyd oo aanan xogogaal u ahayn idiin ku soo gaabiyo, Madaxweynaha waxay u sheegeen in aanay doorashooyinkii suurto-gal ahayn 26/6/2015ka. Waxay intaa ugu dareen markii ay xisaabtameen in ay qaban karaan haddii Eebbe idmo, 1/6/2015ka. Hadda waa markii ay xisaabtameen. Midhkaasi yaanu idin la yaraan.

Anigu goobtaa ma joogin, warkeedana ma aan helin, waxaan se maqlayay waa la isla qaatay. Sidaas ayay Guddidii Doorashooyinka Qaranku ugu tageen Xisbiyadii oo ay warka u gaadhsiiyeen.

Si ay maalinta culayskeeda iyo qiimaheeda u muujiyaan Guddida Doorashooyinku waxay si rasmiya ugaga hor dhawaaqeen Golaha Wakiillada oo fadhiya oo saddexda Xisbiba lagu marti-qaaday.

Saddexda Xisbi qaranba si badheedh ah oo warbaahinta xoog iyo laxaad u gashay ayay u oggolaadeen soo-jeedintaa Guddida Dorashooyinka Qaranka. Bulshadii rayidka ahayd oo ay dalladda SONSAF ka wakiil ahayd ayaa oggolaaday iyaguna. Dadweynihii ayaa dibad iyo gudeba ka soo taageeray oo hambalyada sida dhibica mahiigaanka ugu hooray.

Maalinta qiimahaa iyo qaayahaa lahayd ee lagu wada mideysnaa, ayay Golaha Guurtidu bilaabeen shirar ay si gaar ah ula kala lahaayeen Xisbiyada iyo Guddida Doorashooyinka Qaranka. Shirar aan loo baahnayn oo tuhummo iyo shakiyo aan hore u jirin abuuray oo dadkii kala qaybiyay, doorashao-diidkiina micin biday weji-ku-macaash aan dhammaanayn oo dalqada indhaha ku leh. Golaha Guurtidu waxay saareen Guddi-hoosaad Golaha badhkii ku dhow oo Shir-guddoonkii talo-bixinta loo geyn lahaan ku ladhan yahay. Cajiib! Maxaynu tu’ walba arkaynnaa……Maqlaynnaa.

Guddidii ay Golaha Guurtidu saareen waxay Golihii u keentay go’aammo aan laga doodin ee markiiba loo codeeyay. Wada oggol iyo waxaan dhaamin ayaa lagu baandheeyay.

Go’aammadaa waxa ugu mudnaa oo kow ka ahaa:

1-  Waxa la-laalay muddada doorasho ee ku cayiman warqadda lambar KDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo baxday xafiiska koomishanka Doorashooyinka Qaranka , madama anay waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001,qoddobkiisa 8aad oo u dhigan nuxur ahaan “in anay koomishanku cayimi Karin muddo/maalin doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynahaku xigeenka iyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sido kalana anay waafaqsanayn qoddobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka JSL

Xeerka 20aad ee aanu haynaa ee 2001kii Qodobkiisa 8aad, waxaanu haynaa:

Komishanka ayaa cayimaya taariikhda la qabanayo doorashooyinka si waafaqsan Dastuurka waxaanay ku soo bixi doontaa Degreeto Madaxweyne.

Qodobka 14aad, Faqraddiisa 1aadna waxay odhanaysaa: Komishanku wuxu awood u leeyahay in uu cayimo wakhtiga doorashooyinka la qabanayo, iyaga oo Madaxweynaha u gudbinaya si uu Degreeto ugu soo saaro,

Qodobka 11aad, Faqraddiisa 6aad ee Xeerkan Doorashooyinku waxay dhigaysaa iyaduna: Komishanku wuxu xilkiisa u gudanayaa si madax-bannaan, lagumana samayn karo wax faro-gelin ah haba yaraatee. Taasina digniin iyo dardaar-werin ma tahay.

Madaxweynahan la leeyahay waa loo kordhinayaa marna ma dalban diyaarna uma aha ee waa la hafrayaa.

Waxba ku sii talax-tegi maayo go’aammadan la leeyahay Guurtida ayaa soo saartay oo waxaas iyo waxaan dhaamin. Bisha Juun waa kulayl ayaa ka mid ah. Tolow Juuntii 2010kii ma qabow ayay iyadu ahayd. Waxa ku qoran Diiwaan-gelinta Madaniga ah waa in ay Guddida Doorashooyinku dhammaystiraan. Hadda xilalkooda qaanuuniga ahba kuma jirto oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mas’uul ka ah. Bal adba!

Dhammaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here