Gurmad Socday Saddex Saacadood Oo Dhaliyay Cadho Ay Dadweynuhu Kaga Dhiidhiyeen Dab-Demis La’aan Ka Jirtay Magaallada
“Dawladda Hoose Waa Qosol Ku Jab, Ceebteedu Waa Taas Dharaarta Cad Dibada U Soo Baxday. Xukuumadda Dhexe Waxaannu Leenaha……”
Ceerigaabo (Hubaal)- Kaalin shiidaal oo ku taalley badhtamaha magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa casarkii arbacadii dab ka kacay ku shuf beeshay, iyadoo dabkii kaalintan baa’biiyay uu waxyeello gaadhsiiyay illaa laba guri oo kale oo dhinacyada ka xigay. Dhacdadan ayaa dibada u soo saartay cadhadda dadweynaha Magaaladda Ceerigaabo oo ka dhiidhiyay dabdamis la’aanta ka jirta magaaladooda, waxaanay arrintan ku eedeeyeen masuuliyiinta Golaha deegaanka oo ay ku sifeeyeen qaar ku fashilmay adeegyadii ay masuuliyadda koowaad ka saarayd inay shacbiga u qabtaan. Kaalintan gubatay oo aan la xaqiijin asbaabaha dhaliyay dabka waxyeeleeyay, waxa gurmadkii lagu bakhtiiyay oo socday muddo saddex saacadood ah ka qeyb galay Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo iyo ciidanka qaranka Somaliland oo gacmahooda ku bakhtiinayay kaalintan oo dabku si xawli ah ugu fidayay guryaha ku gadaaman isla markaana halis gelin gaadhay sakad dhan oo ka kooban 25 Guri, sida uu shabakadda Gudgudenews, oo aanu warkan ka soo xiganay u xaqiijiyay weriye goob joog u ahaa dhacdan. Ma jiro cid wax ku noqotay hase yeeshee waxa bakhtiinta dabkan kaalinta ugu weyn ka qaatay nin shicib ah oo leh cagaf nooca shaywasha loo yaqaanno oo magaciisa la yidhaahdo Cabdirashiid Dhaba-yaco, oo dumiyay dhismeyaashii dhinacyadda ka xigay kaalintan isla markaana la soo weriyay inuu si waddaniyad leh uu guntiga ugu xidhay inuu samato-bixiyo shacabkiisa aan lahayn gaadiidka dabdamiska ee lagula tacaalo marka masiibo noocan oo kale ahi ka dhacdo magaaladda. Dadweynihii ka qeyb galay bakhtiintii dabka, ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ku naqdiyayeen dawladda Hoose ee Ceerigaabo oo ay sheegeen inay tahay mid aan ka adkayn waajibaadka balaadhan ee shacabku u soo doorteen Golaha deegaanka. “Dawladda hoose waa qosol ku jab, ceebteeda waa taas dharaarta cad dibada u soo baxday. Waxaannu leenahay xukuumadda dhexe Baabuur dab-damis ah ha naloo keenno sida ugu dhakhsaha badan maadaama oo dawladdii Hoose awoodi wayday inay dabdamis magaaladda u soo iibiso,”ayuu ku tiraabay mid ka mid ah odayaashii reer Ceerigaabo oo ka mid ahaa dadkii xoogooda kaga qeyb galay bakhtiinta dabkii kaalinta qabsaday. “Waa fadeexad inteeda leeg inay Ceerigaabo dabdamis weydo, ma aha wax aanu aqbali karno. Dawladdu ha noo keento Gaadiid dab-damis ah, dawladda dhexe iyo mid hooseba waa cambaar ku taal in magaalo madax gobol laga waayo adeegii dab-damiska,”ayay ku muusanaabayeen reer Ceerigaabo. Intii gurmadka bakhtiinta dabku ka socday Ceerigaabo waxa xataa wararku sheegeen inaanay Maayar Ku-xigeenka iyo Xoghayaha fulinta Dawladda Hoose ka soo xaadirin goobtii, maadaama oo uu Maayarka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur uu sugan yahay caasimadda Hargeysa oo uu ka maqan yahay magaaladda. Kaalintan gubatay ayaa la sheegay inuu dab ka kacay Salaasadii, hase yeeshee markiiba la xakameeyay, sidoo kale maamulka dawladda Hoose iyo Maamulka Gobolka Sanaag midna kama uu hadal dabkan labada maalmood ee is xiga qabsaday kaalintan oo gabi ahaan-ba shalay shuf beeshay. Magaaladda Ceerigaabo oo ah magaalo madaxda gobolka Sanaag, waxa la sheegay inaanay gabi ahaan-ba lahayn Gaadiid dabdamis. Masuuliyiinta dawladda Hoose ee Ceerigaabo oo aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiinno dhacdadan, ayaanay noo suurto-gelin Telefoonadooda oo xidhnaa awgeed.