Dadweynaha Reer Burco Maxay Ka yidhaahdeen Wasiirka Horumarinta Maaliyadda?

0
412

Burco(Hubaal):- Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Aragtidooda ka dhiibtay sida ay u arkaan iyo rejada ay ka filayaan Wasiirka cusub ee Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi oo uu Xilkaas Khamiistii u magacaabay Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Dad kala duwan oo Dhalinyaro iyo Waayeelba leh oo ku dhaqan Burco, ayaa sheegay inuu Yuusuf Maxamed Cabdi Raage yahay Nin Dhalinyar ah oo Aqoonyahan ah, kuna xeel-dheer Arrimaha Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, isla markaana ay rejaynayaan inuu noqdo Masuul horumariya Dhaqaalaha dalka, sidoo kalena meesha ka saara Musuqmaasuqa Xukuumaddii hore ee Kulmiye Ragaadiyey.

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here