Hargeisa (Hubaal) – Waxa Fashilmay Isku-day uu Maayar-ku-xogeenka Caasimadda Somaliland Md Cabdicasiis Cago-weyne ku Doonayey inuu ku iibiyo dhul xabaalo ah oo ku yaalla Xaafadda New Hargeysa, kadib markii ay Dadweynaha Xaafaddaas oo is-kaashanayaa arrintaas ka hortageen.
Xaabalahan Maayar-ku-xigeenku doonayey inuu sifo isaga gaar u ah u iibsado oo ku yaalla Degmada Macallin Haaruun, ayaa ay Dadweynuhu ka Hortageen, kadib markii ay Kharaj ay iyagu iska ururiyeen ugu sameeyeen Deyr gabbood u noqon doona, taas oo uu Maayar-ku-xigeenku si weyn uga soo horjeeday.
Dadweynaha Xaafadan New Hargeysa, ayaa maalmihii u danbeeyeyba fariimo culus warbaahinta madaxa bannaan u marinaayey Golaha Deegaanka Caasimada iyo guud ahaanba Bulshada Somaliland, waxana ay ka digayey damaca Maayar-ku-xigeenka ee la xidhiidha Dhulkaas xabaalaha ah ee uu damaaciyey, iyagoo dhinaca kalena Digniin u dirayey dadka doonaya inay dhulkaas ka iibsadaan Dawladda Hoose.
Ugu Dambayntii Dadweynaha xaafadan oo aad uga gadooday markii ay arkeen iyadoo cagaf la galiyey xabaalihii ayaa waxa isla markiiba abaabuleen sidii ay uga dhicin lahaayeen Maayar Kuxigeenka Xabaalahan uu iibsaday iyadoo ay baabuur saareen Sameecado taas oo ay isku gaadhsiinaayeen sidii ay u badbaadin lahaayeen Xabaalahan ,
Dhinaca kale ayaa Dadweynaha xaafadan oo maalmihii ugu danbeeyeyba iska uruurinaayey kharashka deyr weyn oo lagu wareejinaayo Xabaalahan ayaa ku guulaystay maalintii shalay bilaabaan seeskiisa iyadoo markii ay bilaabeen seeskii Deyrka Xabaalaha uu soo weeraray Maayar kuxigeenka Caasimada oo wata Askar tiro badan si looga joojiyo Deyrkan Xabaalaha uu iibinaayey taas oo kacdoon iyo cadho horle ka abuurtay goobta.
Gabagabadiina waxa goobta yimi Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Somaliland iyo Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Kuwaas oo u fasaxay Dadweynaha Xaafada inay Xabaalaha Deyrka ku wareejiyaan iyagoo isla markaasina layaabay masuuliyiintii dawlada hoose ee la safnaa Maayar kuxigeenkan iibiyey Xabaalaha.
Maayar-ku-xigeenka iyo Koox Xildhibaano Dhulka ku mamay ah oo uu watay, ayaa Halkaas Hungo kala soo laabtay, waxana Xubnihii Dawladda dhexe ka socday ku qanceen in Dadkaasi xaq u leeyihiin inay xabaalahaas deyraan.