Dadweynaha Xaafadda Sheekh Nuur Ee Hargeysa Oo Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE Oo Xalay Caweysinkii Booqasho Ku Tegey Xaafadaas

0
25

Hargeysa (Hubaal)- Dadweynaha xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan Libaax ee caasimadda Hargeysa, ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ugu tagay.

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa bulshadu ku kulanto ee xaafadda Sheekh Nuur fiidkii habeenkii Isniinta, isagoo kulamo xogogaal u noqosho iyo sheeko wadaag ah la qaaday qaybo ka mid ah dadweynaha xaafadda ku nool.

Guddoomiye Muuse Biixi oo salaaddii Maqrib dadweynaha kula tukaday Masaajidka badhtmaha suuqa xaafadda Sheekh Nuur, waxa intaa kadibna uu tagay Maqaaxi la yidhaa Waafi oo shaaha laga cabbo, halkaas uu la fadhiistay dadweynaha oo uu la shaaheeyey, iyadoo markii dadku si kedis ah u arkeen ay ku soo urureen Guddoomiyaha oo ay ku boobeen salaan, bariido iyo hambalyo la xidhiidha murrashaxnimada madaxweynaha ee loo doortay shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee qabsoomay bishii hore.

Waxa kaloo dadweynihii la kulmay Guddoomiye Muuse Biixi ay uga mahadceliyeen booqashada uu ugu tagay, iyagoo ku wargeliyey inay taageero buuxda u hayaan xisbiga iyo murrashaxnimadiisaba, waxaanna xubnihii u hadlay bulshada ka mid ahaa Sheekha Masaajidka xaafadda Sheekh Maxamed Muuse.

Waxa kaloo Guddoomiyuhu kormeeray xafiiska xisbiga KULMIYE ku leeyahay xaafadda Sheekh Nuur oo uu kula kulmay masuuliyiinta qaabilsan, gaar ahaan Guddoomiyaha xafiiska Mr. Saleebaan Samatar oo halkaas ku siiyey warbixin ku saabsan shaqadooda iyo xaaladda xafiiska.

Muuse biixi iyo  sheekh nuur

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here