Dadweyne Cabasho Ka Muujiyey Ganacsade Fooq Uu Ka Dhistay Indian Line-ka Oo Binihiisu Ku Fiday Waddooyinkii Xaafaddaasi

0
86

Hargeysa (Hubaal): qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan xaafada Indian Line-ka ee magaalada hargeysa ayaa cabasho ka  muujiyey Dhisme Fooq ah oo binihiisu ka socdo xaafaddaasi kaasi oo ay sheegeen in  uu jaray waddooyinka xaafadaasi dhex mara qaarkood.fooq

Fooqan oo  ku yaalla wajahadda dambe ee garoonka  kubbada koleyga ee Timacadde isla markaana dhismihiisu socday muddo bilo ah ayaa dadkani sheegeen In uu iska leeyahay mid ka mid ah ganacsadayaasha waaweyn ee Somaliland ee saraha dhaadheer ka dhistay xaafadaasi. Waxaanay cabasho ka muujiyeen in  uu caqabad ku keenay isku socodkii labo wado oo ay mari jireen dadka iyo gaadiidka dhex mara xaafadda Indian Line-ka, kuwaas oo ays heegeen in dhismuhu ku fiday.  Jidadkan oo  kala  mara dhanka galbeed wado dad iyo gaadiidba ah iyo dhinaca waqooyi, Qaar ka mid ah dadwaynaha  isticmaala jidkaasi cabasho ka muujiyeen.  Waxaanay  yidhaahdeen “ Ma garanayo caqliga keenay in wado dhan oo ka dhaxaysa dadka xaafadahaasi iyo gaadiidka degan ama isticmaala sababta wax looga qaban waayay, imika waa kaasoo dhismuhu  Waddo ayuu xidhay ee yaa odhanaya  waxaad samaysay waa qalad oo sharci darro ayaad samaysay”sidaa waxaa yidhi mid ka mid ah dadka  gaadiidka watay ee jidkaa ganacsaduhu xidhay ku xanibnaa xalay.

Hadaba waxay su,aashu tahay waa maxay sababta ay arrintani dawladda hoose tallaabo uga qaadi wayday markay ganacsatada waaweynu ku xad gudbaan waddooyinka ee ay jid halbawle ah u xidhaan dhisme ay fooqyo ka taagayaan halka Dawladda hoose ay maalin kasta jidadka laabta kaga daadiso ganacsatada yoomiye eryadka ah ee waddooyinka hareeraheeda ku ganacsada

 Dhinaca kale dadka jaarka la ah dhismahan ayaa warbaahinta u sheegay in  ganacsadaha fooqan dhisanaya ay weydiiyeen sababta uu dhismihiisu u soo fiday Waxaanay sheegeen in uu sharciyad u haysto dhulkaas oo uu tilmaamay in dawladda hoose iyo wasaaradda hawlaha guud ee Somaliland ay labadooduba u sharciyeeyeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here