Dadweyne xoog ku qabsaday shir ay xukuumaddu diidanayd+sawirro

0
44

“waxan maqlaa madaxweynuhu talada inta badan maba hayaa, marka aan arko waxyalahaa dhacaya aad baan u quustay, waayo ma filayn in madaxweyne Axmed Siilaanyo yidhaahdo habeen saqbadh gurya u dhaca”-Maxamed Xaashi
“waxaanu ka dhiidhinay waxay ahayd cabudhinta iyo cago jugteynta inaSiyaad Bare, tii baa caawa kala kulanay oo Siilaanyo ka madax yahay xukuumadda waligay meesha ma soo dhigan” Xaashi
“Guurtidii gartii ay qaaday ma ogolin, Saleebaan, xaajiga Cabdi waxaan leeyahay ilaahay hortii gar baa la idin dhiibee maxaad sidaas u yeesheen” Maxamed Cabdi Digtoorka
“madaxweynaha waxaan leeyahay jabhad baad soo hogaamisay waxba dhacay shan iyo sodan dabadeed ninkii sidaas u eegaba wuu qabsan doonaa ismaan lahayn, waxyalhaaasi oo kale wuu ka weyn yahay baanlahaa” Digtoorka

Hargeysa, Somaliland, ()- waxgaradka, siyaasiyiinta iyo dhalinyaradda beesha Subeer Awal, ayaa xaflad ay kaga hadlayeen aayahooga mustaqbal xalay ku qabtay magaaladda Hargeysa, haseyeeshee ciidan badan ayaa lagu soo dhoobay goobta ay shirku ka dhacayey.
Dadweynihii iskugu yimid hoteel Crown oo munaasibaddu ka dhacay ayaa xoog ku galay, inkastoo ciidanku ay rasaas cirka u rideen si loo kala cararo, haseyeeshee dadkii uma joojin waxay xafladooddii ugu hirgashay si qasab ah.
Sidoo kale, wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi ayaa masaajidka ku yaalla hoteelka dusha lagaga xidhay si aanu uga qaybgalin xafladda, taasina waxay sii kcisay dareenkii dadweynihii goobta ku sugnaa oo aad uga xanaaqay arrintaasi.
Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadda meesha ka dhacday iyo sida ay isku shabahaan nidaamkii Siyaad Bare samayn jirtay, waxaanu tilmaamay in hadaladda la sheegayo in madaxweynuhu dalka maamulin u xaqiijinayso sida arrimahan oo kale u dhacayaan, iyagoo xusay inay nasiib daro tahay in madaxweyne Siilaanyo oo dalka madaxweyne ka ah cabudhinta intaas leegi ka dhacdo dalka, isla markaana guryaha la hurhurdo loo soo dhaco.
IMG_1652Maxamed Xaashi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “waa nasiibdaro arrimahan halkana caawa kala kulanay iyo cabudhis intaas leeg, waxaan qabaa anagu waxaanu ahayn qoladii SNM aasaastay, waxaanu ka dhiidhinay waxay ahayd cabudhinta iyo cago jugteynta ina Siyaad Bare, tii baa caawa kala kulanay oo Siilaanyo ka madax yahay xukuumadda waligay meesha ma soo dhigan, ma doonayno in aanu falqalalo soo galino maanta in ay dalka nooga lexjeclo xuntahay ma qabo, Shan iyo sodan sanadood ayaanu ka hor abuurnay SNM tacab badana ayaa nagalay waa nasiib daro weyn dadkii xoriyadoodii usoo galaan inay tii oo kale caawo halkan ka dhacdo waa nasiibdaro, ma jecli in aanu khasaarno in halgankii khasaare oo nala yidhaahdo maxay Siyaad Bare u sheeganaynay mana aqbalo karno sidan wax loo waddo, kitaab bay gacanta saareen inay
dadka iyo dalka daacad u ahaaanayo oo dadkiisu u sinaanayo,
kitaanbkaasi inta ku dhaaratay madaxweynaha oo qudha maaha ee
wasiirada iyo Baarlamaanka ayaa ku dhaartay, waxyaalaha imika soo
socda way ku fashilmeen, dalkeena sida aynu u badbaadin lahaayeen ee
qalooca looga saari lahaa ayaaa loo baahan yahay, maaha in Cali
Warancadde oo NSS tii Siyaad Bare u shaqayanayo inuu albaabka inaga
xidho, waxay ahay in liis madow lagu qoro intii siyaad Bare la joogtay
oo aanay dawlada u shaqayn, waxa weeyi sharciga aynu dhiganay ayaa ah
inay ku shaqayno, nimankii guurtida ahaa inay iyaguna sharcigii ka
leexdeen oo wax ay soo malmaluuqeen yidhaahdeen wax baanu ku
qaadanayna waa nasib daro weyn, waxa sharciga loo dhigo lagu kala baxo
oo la isku ilaaliyo, inta dadka la xidh xidho la yidhaahdo hayb hayb
loo waraysto oo wixii reer gaar ah la yidhaahdo waa la xidhayaa waa
ceeb weyn, waxa la samaystay RRU, waxa ay u dhaceen caruurtii uu
dhalay mujaahid bari hore geeriyooday, meel ku filan in waraaq loo
keeno ayaa habeen badh caruurtii laga sasinayaa, waxa maqlaa
madaxweynuhu talada inta badan maba hayaa, marka aan arko waxyalahaa
dhacaya aad baan u quustay, waayo ma filayn in madaxweyne Axmed
Siilaanyo ma filayn inuu yidhaahdo habeen badh gurya u dhaca oo
madaxa qarsadda ma qabo, waxaasi waxay isii xaqijisaa in aanu taladdu
isaga gacanta ugu jirin”.
Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Dr:Maxamed Cabdi
(Digtoorka) waxaanu sheegay inuu ka murugooda marka uu arko waxan
dhacaya, isla markaana ay caawa soo kicisay dhibaatadda lagu hayo
dadweynaha iyo cabudhinta ku socota.
Digtoorka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “ wax badan ayaa
kamurugoon jiray wixii dalkan ka dhacay iyo dadkii aanu kala tagno
markaan maqlo, maanta tii oo kale ayaa dhacaysa waxa dadkii loo diiday
inay xaflad qabsadaan barigii SNM la bilaabay waxa isku kayo keenay
wuxuu ahaa wixii soomaaliya ka dhacaya, waxaan ka murugooda marka
kuwaasi xasuusto iyo xaaladda maanta dalku marayo waxaan ka
murugoonaya dadka albaabka laga xidhay, markaan arkay inay xaaladu
adag tahay ayaan soo kacay waligay ismaan lahayn wixii ka dambeeyey
halganka nin baa ku fikiri waxaad doontid dadka ku samee,waxaan filaya
waxa waxan wadda waa kuwo aan halkanka ku jirin”
“guurtidii gartii ay qaaday ma ogolin, Saleebaan, xaajiga Cabdi waxaan
leeyahay ilaahay hortii gar baa la idin dhiibee maxaad sidaas u
yeesheen, hogaankii kulmiye maxaad u tidhaahdeen halkaasi ka baxa,
waxa la isla ogolaa uun baa la ansixiyey, madaxweynaha waxaan leeyahay
jabhad baad soo hogaamisay waxba dhacay shan iyo sodan dabadeed ninkii
sidaas u eegaba wuu qabsan doonaa ismaan lahayn, waxyalhaaasi oo kale
wuu ka weyn yahay baan lahaa”.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Caaqil Jabane, Axmed Like
iyo masuuliyiin kale oo dhamaantood sheegay in aanay aqbali Karin
go’aankii golaha Guurtidda ku xaliyeen khilaafka KULMIYE.

IMG_1598IMG_0044

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here