Galkacyo:(Hubaal)-Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaal qadhaadhi dhexmaray maamullada Puntland iyo Gal-mudug, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo, iyada oo ay jiraan meydad tiro badan oo shacab iyo ciidanba iskugu jiraa.
Warar madax banaan ayaa sheegaya Dagaalka u dhaxeeyey labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug in ay isku adeegsanayaan Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena dadka halkaasi degan ay sameynayaan barakac.
Labada Maamul Maxay ka YIdhaahdeen?
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaalkan uu u dhaxeeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalka, waxaana midba midka kale uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay.
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Bare ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.
Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalku aanu u dhaxeynin labada Maamul balse uu u dhaxeeyo dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.