Dagaal yahanada ISIS Oo Dilay Haweenay U Dhalatay Dalka Maraykanka

0
32

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magcaabi jiray Kayla Mueller oo gacanta ugu jirtay ururka Daacish ayaa xilligan la xaqiijiyey inay dhimatay, Masuuliyiinta Maraykanka iyo Qoyska gabadhan ayaa xaqiijiyey dhimashada muwaadinadan u dhalatay dalka Maraykanka.

Ururka Daacish ayaa afar maalmood ka hor sheegay in haweenaydan oo u shaqaynaysay hay’adaha gargaarku lagu dilay weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah ururkaasi.

 naag maraykan

Afhayeen u hadlay Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Bernadette Meehan ayaa sheegay in qoyska Mueller ay heleen fariin gaar ah oo uga timi kooxda gacanta ku haysay gabadhooda maalmihii inna soo dhaafay taas oo xambaarsanayd macluumaad dheeri ah oo ku aaddan dilka inantooda.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee dalkan Maraykanka looga arimiyo ayaa u sheegay weriyayaasha in hay’adaha wardoonka ee Maraykanku aanay illaa hadda haynin macluumaad ku saabsan dhimashada haweenaydan keentay ka dib markii heleen macluumaad arrintan la xidhiidha

source:voasomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here