Dagaalka Djibouti Kaga Horjeedo In Lagula Tartamo Dekedaha Iyo Saadaasha Maalgashi Lagu Sameeyo Dekeda Berbera

0
110

“Ka Sokow Waxaa U Soo Dega, Ethiopia Ayaa Dhoofisa Xoolo Dakhligoodu Dhanyahay Ugu Yaraan $1 bilion sanad walba. Taasna dawlada Djibouti  diyaar uma in lagala wareegto,”

Wariye Aidan Grange

Hargeysa, Somaliland, ,(Hubaal) – Wariye Aidan Grange oo ah suxufi ka faaloodda arrimaha ganacsiga Geeska Afrika, Islamarkaana dedaalka ugu weyn ee arrintaasi uu sameeyay dalka Djibouti oo aan ogoleyn in lagula tartamo.

Wariyahan ayaa sheegay in hadda ay sii dabar go’ayso dhibaatooyinkii xumaa ee saameeyey geeska afrika ee Abaaraha iyo dagaaladda looga bartay, waxaanu warbixintiisa ku xusay maalgalinta lagu samaynayo dekadda Berbera oo uu sheegay haddii ay hirgasho inay dhaqaale fiican u tahay wadanka iyo dalalka jaarka, maadaama oo dekaddaasi quudin karto 90 milyan ee Itoobiya ee dekadda u baahan, taas oo imika dhaqaale fiican ka hesho dalka Jabuuti.

deked

“Mandaqada Geeska Africa waxa ay ka baxday xaaladihii dagaalka, Abaaraha iyo aragtidii xumayd ee laga aminsnaa”ayuu yidhi wariye  Aidan Grange oo warbixin dheer ka qoray ganacsiga geeska afrika oo uu sheegay inay ka gudubtay xaaladihii dhibta badnaa una hub qaadatay sidii horumar u gaadhi lahaayeen.

Wuxu warbixintiisa ku sheegay in ganacsiga geeska Afrika iyo dekadaha ku yaalla ku tartamayaan sidii caalamka ula mid noqon lahaayeen, waxaanu faaladiisan kaga hadlay in dhalinyaradda Soomaaliyeed heleen fursaddo ay ku noolaan karaan,isla markaana ay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii dagaaladda iyo abaaraha iskugu jiray ee ka reebay qayrkood.

Wariye Grange ayaa warbixintiisa ku sheegay in lagama maarmaan tahay in dhawr qodob laga dhigo aasaasi si wax la taaban karo loo qabto, waxaanay kala ahaayeen qodobadda uu ka hadlay sidan:

  • in dhalinyarta la siiyo fursaddo ay wax ku qabsan karaan.
  • in la dhaqangaliyo sharciyadda iyo nidaam u sahlaya shirkadaha maalgashiga kor u qaadi lahaa, iyadoo xidhiidhka labadda dhinac is aaminsan yihiin.

• Xoojiinta nidaamka dowliga oo ay ku jirto Dekadaha, sidii Bangiyaal u dhiirigalin lahaayeen maalgashiga.

Fursadaha dhaqaale ee dalalka ku yaala Mandqadda geeska Africa waa inay shirkadaha caalamku usoo jeesadaan sidii ay u maalgashan lahaayeen sidda warshadaha wax soo saarka, mashaariicdda Beeraha oo mudooyinkan dambe kor u kacay.

Sidoo kale, waxa uu si faahfaahan uga hadlay in mandaqadda Geeska Afrika baahi weyn u qabto in laga hirgaliyo dekaddo Casri ah oo noqonaya qaab dhismeed la mid ah kuwa ka jira aduunka, iyagoo da doonayna faa’iidadda xidhiidhka ganacsi ee loo yaqaan “Global Trade”.

“Aragtida laga aaminsan yahay Bariga Afrika (Sudan, Eritrea, Somalia, Somaliland, Ethiopia iyo Djibouti) ayaa ahayd goobo abaaro, dagaallo iyo budhcad badeedka sanadihii dambe ka dilaacay mandaqaadaas, laakiinse maanta ay muuqato in ay ka sii baxayaan xaladahaas. Inkastoo ay sii jiraan dhibaatooyin kala duwan iyo siyaasadaha dalalka Soomaaliya iyo Sudan oo aanay fadhiyin, sidoo kale Kenya ayaa ka mid ah goobaha argagixisaddu qaraxyadda ka fuliso, taas oo cabsi galinaysa ganacsatada shisheeye werwer weyna ku abuurtay ganacsatadaas iyo shirkdaha. Muhiimadda ugu weyn ee meesha taalaa waa in sidii dhaqaalaha kor loo qaadi lahaa sida Maalgashiga, shaqo abuuris oo uu fududayneysa deganaanshaha bulshada rayidka ah. Waxa tusaale cad ku noqon kara, warbixin dhowaan lagu daabacay shirkada DP World oo ka mid ah shirkada 4aad ee dunida dekadaha koontiinaradda teerminaalka ah samaysa, waxaana dood ka yeeshay laba xarumood ee ka faaloodda sharciyeynta dhaqaale ee calaamka oo la kala yidha “Near East and Gulf Military” kana dhacday magaalada New York horaantii bishan. Nuxurka dooda ay labada urur soo qaban qaabiyeen oo ku saabsaana xaaladaha kala duwan ee jawiga ganacsi, dib u habaynta sharciyada dhaqaale iyo qodobada ugu muhiimsan ee dhaqaale uu sahlaya maalgashi laga sameeyo Somalia.

Maxamed Sharaf, oo ah masuulka ugu sareeya shirkada DP World ayaa sheegay in “Guusha maanta la gaadhay ay tahay hoos dhac weyn oo ku yimid weerararaddii Budhcad badeedu ka samayn jireen xeebta Somalia, waxana hadda la bilaabay in qaybaha dhaqaalaha ee kala duwan kor loogu qaado iyo taageero dalka guud ahaanba laga caawiyo dib u dhiska dhaqaalahoodda, oo runtii uu fududeynaysa in ay soo jiitaan shirkadaha caalamiga, taas oo shaqo abuuris loo samaynayo dhalinyarada dalkaas, taasoo ka joojinaysa inay ka mid noqdaan kooxaha budhcad badeedka”.

Natiijooyinkii ka soo baxay kulankii lagu qabtay magaaladda New york ee wadanka Maraykanka waxa ka mid ahaa in bulshadda Somaliland iyo Soomaaliyaba laga taageero maalgashiga Beeraha iyo wax soo saarka iyo kalluumaysiga,waxaana mashaariicdan oo kale ka socdaan Itoobiya, Jabuuti iyo waqooyiga Kenya oo ay ka socdaan mashaariic balaadhan oo ay ka mid yihiin dekaddo cusub iyo wadooyin laami ah oo hawl yareeya sidii waxna u dhoofin lahaayeen waxna usoo dejin lahaayeen taas oo saameyn balaadhan ku yeelanaysa shacabka dalalkaasi.

Shirkadda caalamiga ah ee Ballore Afrika Logistics (BAL) oo ah shirkadda ugu weyn ee ka hawlgasha terminaaradda Afrika ayaa indho indhaynaysa inay maalgashato dekadda Berbera ee Somaliland, waxaana wada hadal arrintaasi ku saabsani u socdaa dawladda Somaliland sidii Terminaral koontiinaradda oo balaadhan looga samayn lahaa dekadda Berbera.

Haddii  shirkada Bollore Africa Logistics ay u hirgasho maalgalinta mashruucaasi waxay soo jiidanaysaa shirkaddo kala duwan oo waxna soo dejiya ama dhoofiya ee dalalka la dariska ah ee Itoobiya oo ugu yaraan 90 miilion oo qof ku nool yihiin, taas oo faa’iido weyn u noqon karta dalka Somaliland. Ganacsiga dalka Ethiopia ayaa dhoofisa ugu yaraan dakhli gaadhaya $1 biilion sanad walba, oo ay ka dhoofiyaan dalka Djibouti oo uu ah xarunta caalamiga ee dalkaasi ka dhoofiyo ganacsigisa. Taas oo aanay dawlada Djibouti u diyaar ahayn in xidhiidhkaasi ka wareego, taas ayaa keentay inuu kordho tartanka dekadaha la balaadhinayo ee geeska Afrika oo dhaqaalahoodii kor u qaaday, arrintaasi waa sababta dekadda Jabuuti (PDSA) iyo dowlada Djibouti ay ugu hawlan yihiin mashaariic ay ka mid tahay ganacsiga gaarka ah, oo damacsan tahay sidii mandqada ay uga noqon lahayd marinka ugu casriyeysan ee ka jira barriga Africa.

Dekadaa Djibouti ayaa saami dhan %23.5 ay ku leedahay shirkad Shiine ah oo la yidha China Merchants Holdings International oo daneynaysa inay qayb balaadhan ka qaadato suuqa ganacsi ee Qaaradda Africa.

Horantii sanadkan, ururka OPEC fund ee horumarinta caalamiga ah (OFID) ayaa heshiis la saxeexday dowlada Djibouti, heshiiskaas oo ahaa $7 milion oo amaah ah sidii ay dhismaha dekadeed uga bilaabi lahayd magaalada Tadjoura. “Magaalada Tadjoura waa hor dhaca dowlada Djibouti qorshaysay wadada cusub ee diirada saaraysa horumarkoodda, waxana sahlaysaa is dhex galka ganacsi ee mandaqada waana dekaddii saddexaad ee Jabuuti samayso, Dekadan oo ah dekad casri ah oo aanu ugu talogalnay sidii wadamada aan badda lahayn sida South Sudan, Uganda, Burundi iyo Rwanda u adeegsan lahaayeen”ayuu yidhi Sacad Cumar Geelle oo ah mareeyaha Dekada Djibouti.

Inkastoo, teerminaal lagu talo galay xoolaha laga dhoofiyo dhismihiisa laga waddo degmada Dameer-joog, dhismahaas oo lagu qiimeynayo in ay ku kacayso uga yaraan $70 milion iyo dhismo kale oo lagu kordhinaayo dekaddii hore ee Dorraleh oo laga dhoofiyo bagaashka.

La soco

Xigasho: Wargeyska Saxafi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here