Dagaalka Xuutiyiinta Lagu Qaaday Dawo Ma Unoqonayaa Dalka Yaman?-Qalinkii: Ustaad Asad Muuse Kibaar

0
31

Sidaan la socono xaalada Dalka Yaman beryahan dambe wuxu marayay xaalad adag kadib markii Xuutiyiinta[shiicada]ah ay qabsadeen dalka intiisa badan, dabadeedna ay diyaaradahoodu garaaceen Xarunta Madaxweynihii Yaman, Abdi Rabow Mansuur.

???????????????????????????????Madaxweynaha Yaman ayaa wuxuu ka codsaday Dowladaha Khaliijka Inay u gurmadaan dowlada Yaman oo ay ka difaacaan weerarada Xuutiyiinta 07/03/2015.

Arintaasi waxaa ka jawaab bixiyay dowlada Sacuudiga & dowladaha Imaaraadka baxreyn, Kuweyd, Qadar, Urdun, Marooko, Suudaan, Masar Iyo Bakistaan.

Habeen-nimadii ay khamiistii soo galeeysay 2-dii habeen-nimo, ayaa waxaa dagaal Xuutiyiinta ku qaaday diyaaradaha Sacuudiga oo ay wehliyaan::

30 Diyaaradood – Imaaraad

15 Diyaaradood – Baxreyn

15 Diyaaradood – Kuwayt

10 Diyaaradood – Qadar

6  Diyaaradood – Urdun

3  Diyaaradood – Sudan

Iyo Diyaaradaha masar iyo bakistaan.

Diyaaradahaas oo garaacay goobo muhiim ah iyo saldhigyo waaweyn waxay na burburiyeen hub iyo Qalab dagaal oo ay lahaayeen xuutiyiinta.

Waxaana ku dhintay 17-qof oo ay kamid yihiin rag saraakiil sarsare ah oo kamid ah xuutiyiinta, sidoo kale dalka Sacuudi Carebiya ayaa wuxuu adkeeyay Xuduudaha uu lawadaago dalka Yaman isagoo soo dhigay Ciidamo gaadhaya 30,000 (Soddon kun oo Askari) iyagoo ujeedadoodu tahay inay difaacaan xuduuda Sacuudiga.

Ururka jaamacada Carabta ayaa wuxuu taageeray duulaanka lagu qaaday Xuutiyiinta.

Safiirka mareykanka u fadhiya Sacuudiga ayaa sheegay in dowlada mareykanku taageersan tahay dagaalka, iyadoo siyaasada Mareykanka ee wajiyada badan aan lagaraneyn waxa ay ku dambeyn doonto maadama Madaxweyne Obama beryahan uu difaacayay xidhiidhka kala dhexeeya dalka Iiraan oo lagu eedeynayo inay taageerto Xuutiyiimta.

Al-muhim hadaan usoo noqdo su’aasheeydii aheyd dagaalkani inu Yaman u noqonayo dawo iyo in kale, Horta waxaa xusid mudan dagaalkani inu ahaa mid lagu Qasbanaa in la qaado maadaama kooxdaan mayal-ka adag ee shiicada ah ee joogsan weeyday si kasta oo loola hadlay, xaal kalana loo waayay  waxaana dabada ka riixayay Dowlada Iiraan oo iyadu taageero siisa, iyadoo ujeedadeedu tahay shiica fidin ay ka wado Dhulalka ay sunigu degen-yihiin.

Laakiin arimahaan ayaa waxay sii hurin karaan Colaadaha iyo dagaalada kasocda Bariga Dhexe Hadii aan lahelin arimaha soo socda..

1.inay  u istaagaan Shacabka Yaman oo lagu yaqaanay wadaniyad Xamaasad iyo diin-jaceyl dalkooga oo ay ka difaacaan xuutiyiinta.

2.Tan labaadna waa in dowladaha islaamku dhamaantood ay taageeraan howl-galada lagaga soo horjeedo xuutiyiinta gacan balaadhana ay siiyaan dowlada taagta daran ee yaman dibna loo dhiso ciidanka yaman.

3.iyo in iiraan lagu cadaadiyo si ay ujoojiso taageerada xuutiyiintu ay siiso..

Wabilaahi Towfiiq

Qoraa: Ustaad Asad Muuse Kibaar

Tell: 063-4453653

Email: asadmuuse03@hotmail.com

Boorama – Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here