“Annaga Oo Xerada Ciidammada Joogna Ayaanu Haddana Ku Baaqaynaa Nabad Ee Cid Kale Weerar Kuma Nihinne Waajibkii Aanu Qaranka Ugu Dhaaranay Ayaanu Difaacannaynaa”
+++++
“Qolada Siyaasiga Ahi Markay Ay Goynayaan In Dagaal La Galo Ee Janannada Dagaalka Loo Yeedho, Janannadu Way Ka Wareegaystaan, Laakiin Nimanka Shacabka Ah Oo Looga Taag-Waayo Ayaa Had Iyo Jeer Saxeexa”
Madaxweyne Biixi Oo Mar Kale Ka Hadlay Xaallada Ka Taagan Jiida Ay Ciidammada Qaranku Difaaca Kaga Jiraan Iyo Nuxurka Nabad Uu Ugu Baaqay Puntland
Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xaaladaha dagaal ee wali ka taagan deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay ka hadlayey munaasibad tababar loogu soo xidhayey ciidamado ka soo baxay kuliyada ciidamada ee Darar-wayne ayaa sheegay inay somaliland mar kasta diyaar u tahay nabad galyo. Madaxweyne Muuse Biixi oo ku baaqaya nabad galyo ayaa waxa uu yidhi “Anaga oo xerada ciidamada joogna waxaanu ku baaqaynaa nabad galyo umana socono inaanu cid weerarno, Puntland-na kuma socono laakiin waajibka xuduudkayaga waanu difaacaynaa, waana kii aanu qaranka ugu dhaaranay.” Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in ninka dagaalka wax ka yaqaanaa aanu ku deg degin waxaanu yidhi “Dagaalada Adnuunka oo dhan haddii loo abtiriyo, ninka ciidanka ah ee dagaalka yaqaanaa waligii dagaalka kuma deg dego inuu saxeexo hadyo jeerna dagaalada waxa gala niman shacab ah oo looga taag waayo, qolada siyaasi marka ay goynayaan dagaalka ee loo yeedho jananada, jananadu sagaal goor ayey dib u dhigaan mar walbana way ka wareegaystaan dagaal waayo waxay garanayaan waxa ka imanaya”
Madaxweynaha somaliland ayaa mar kale soo bandhigay cida mar kasta jecel in la dagaalamo waxaanu yidhi “Dagaalka waxa gala nin Beeb iska cabaya oo aan waligii dagaal arag oo aan “dhiiboo” soo marin oo kursi iyo qalin isku luxaya ayuunbaa yidhaa hala dagaalamo kuwaasi ay ina soo gardaraysteene, anagu waaya arag ayaanu nahay oo dagaal uma socono waanan ka daalanahay, xadka ayaanu difaacaynaa, ninka war mooga ah ee dagaal buug ka akhriyey adiga ayaa cirka roob ku og anaguse kugu soo duuli mayno, taasna nabad ayaanu ka doonaynaa xadkana waanu difaacaynaa.”
Ugu dambayna madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inaanay jirin sabab ay maamulka Puntland ugu soo duulaan somaliland waxaanu yidhi “Sabab ay inoogu soo duulaan garan maayo, sabab ay Tukeraq ugu soo duulaana garan maayo, xadku waa kii Ingiriiska dadkuna waa dadkeenii waxa layskugu dilaana waa gardaro, nabad ayaanu ka joognaa iyagana ilaahay caqliga waa siin doonaa.”