Dahab-Shiil Bank Oo Shaqaalaheeda U Soo Xidhay Tobabar Kor Loogu Qaadayo Tayeynta Maamulka Iyo Nuxurka Kalmadihii Laga Yidhi + Daawo Sawirada

0
125

Hargeysa(Hubaal) Bangiga Caalamiga ah Ee Dahabshiil bank Ayaa Shaqaalihiisa Baanka Usoo Xidhay Tobabar Mudo Saddex Cisho Ah Socday Kaasi Oo Kor Loogu Qaadayey Tayada Aqooneed Ee Adeegyada Uu Baanku Siiyo Macaamiishiisa.DSCN1723

Tobabarkan ayaa lagu baranayey tayeynta hawlaha maamulka ee shaqaalaha bangiga caalamiga ah ee Dahabshiil, waxaana tababarkan bixinayey khabiir ka socday haayada Amaanah Consultancy Limited , Khabiirkan oo magiciisa la yidhaahdo Ismaaciil Aadan Ciidle.

Waxa Halkaasi ugu horeyn ka hadlay Maxamed Siciid Cawaale oo ku hadlayey magaca gudoomiyaha guud ee Dahabshiil, ayaa ka waramay faa’iidada uu tababarkani u leeyahay shaqaalaha

Dahabshiil Bank Waxaanu si weyn u soo dhaweeyey tobabarkan waxaanu sheegay in uu kor uqaadi doono tayada adeegyada banku siiyo macaamiishiisa isagoo ku amaanay Guud ahaanba Dahabshiil in la siiyo shaqaalaheeda tobabaro kor loogu qaadayo xirfadahooda, waxaanu xusay in raali gelinta macaamiishu ay tahay ujeedada marwalba shaqaalaha loo siinayo tobabaro noocan oo kale ah Waxaanu aad ugu mahad celiyey Macalinka Tobabarka bixinayey Ismaaciil Aadan:” waxa shaqaale ahaan inala gudboon in aynu fulino aqoontaasi aynu baranay ee aad weelayseen si fiican runtii waynu u darisnay waana aynu dareenay in shaqadeena kor u qaadisteedu u baahan tahay in aynu tayeyno shaqada aynu qabanayno iyo adeegyada aynu macaamiisheena u samaynayno, Dahabshiil Group waa shirkad qancisa macaamiisheeda oo ku dadaasha tayeynta adeegyada ay qabanayso waxa ay qabataa isgaadhsiintii,qaybtii baanka, xawaaladii sidaa daraadeed meelkasta siminaar,tobabar iyo aqoon kororsi ayaa meelkasta ka socda” ayuu yidhi Gudoomiyaha Laanta Banka ee shirkada Dahabshiil.

Waxa kale oo ka hadlay Khabiirka Tobabarkan bixinayey Ismaaciil Aadan Ciidle oo ka socday hay’adda Amaanah Consultancy waxaanu ka waramay muhiimada uu u leeyahay tobabarkani shaqaalaha dahabshiil waxaanu muujiyey in uu kor u qaadi doono tayada aqooneed ee shaqaalaha maamulka baanka Dahabshiil, “ shirkadda aan ka socdo ee tababarkan bixinaysa waxa uu takhasuskeedu yahay in ay tababaro siiso baananka islaamiga ah ee ku yaal bariga dhexe iyo Africa waxaana aan dalka u imid in aan tobabarkan tayada

maamulka shaqaalaha aan siiyo shaqaalaha shirkada Dahabshiil waxaanu tobabarkani socday mudo saddex cisho ah waxaana ka soo qayb galay dad tiradoodu dhan tahay 16 xubnood oo laga soo kala xulay qaybaha kala duwan ee baanka waxaana ujeedada ugu weyni tahay si kor loogu qaado waxa ay macaamiishu u baahan yihiin iyo wax ka sii badanba”

Waxa kale oo halkaasi ka hadashay Qadiija Walaaleeye oo ka mid ahayd Saraakiisha Dahabshiil bank ayaa iyaduna muhiimada tobabarkani u leeyahay macaamiisha iyo shaqaalaha waxa ayna si weyn u soo dhaweysay in tababarkani kor u qaadi doono tayada shaqaalaha iyada oo shaqaalahana  ku boorisay in ay ka faa’iidaystaan shaqadoodana ku dabaqaanshaqaalaha dahabshiil bank DSCN1707 DSCN1692 DSCN1712 DSCN1695 DSCN1723 DSCN1721

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here