Dakhliga Cashuuraha Bariga Oo Hoos Dhac ku Yimid Sannadkan 2014.. Qalinkii Cabdilaahi Maano….

0
60

Dakhliga cashuuraha Bariga Somaliland khaas ahaan Gobolka Hargeysa oo hoos dhac balaadhani kuyimid, hoos dhacaas oo kaliftay in uu wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Maxamed Samaale uu walaac xoogan ka muujiyo iyadoo uu kormeer aan hore loo sii shaacin uu horaantii Bisha Ramadaan ku gala bixiyay dhamaan waaxyaha cashuuraha Bariga ee Gobolka Maroodi Jeex, isaga shaqaalaha goobahaas ka hawlgala ku canaanta hanaanka ay shaqadda u wadaan.

Cabdilaahi cartan( Cabdilaahi Maano) oo ka tirsan shaqaalaha cashuuraha Bariga ee waaxda Gacan libaax qaybta Suuqa Waaheen in Muddo ahna ka shaqeenaayay ayaa mar aanu su’aalo ka weediinay Hoos u dhacaa ayaa noo xaqiijiyay in uu Jiro in uu Hoos u dhac weyni ku yimid Dakhligii waaxdoodaas iyadoo loo aaneenaayo shaqaalaha tiradda badan ee aan lahayn xirfadda Dakhli soo ururin ee wasaaradda Maaliyadda uu Wasiirku ku soo Buux dhaafiyay Wasaaradda.

Mr. Cabdilaahi oo aanu fikirkiisa wax ka weediinay ayaa noo cadeeyay tan iyo intii wasiir Samaale uu xilka la’wareegay aanu waxba ku soo kordhin shaqadda Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo intaasba lagu shaqeenaayay saystem-kii ama Habkii Wasiirkii hore Eng Maxamed Xaashi Cilmi.

Mr. Cabdilaahi Cartan(Qoolay) waxa uu ku sifeeyay Hoos dhaca Dakhliga cashuuraha Bariga ee Sannadkan mid ay sabab u tahay isdhax yaaca wasaaradda Maaliyadda Khaas ahaan Qaybta Cashuuraha Bariga oo ilaa imika maalinba maalinta ka dambeesa uu sii socda hoos dhaca Dakhligaas.

Dadyaw badan oo u dhuun daloola wasaaradda Maaliyadda iyo shaqadeeda ayaa ku tilmaama wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale in uu kaga fiicnaa Eng Maxamed Xaashi Cilmi, dhanka shaqadda Wasaaradda iyo kor u qaadista Dakhliga Dawladda iyo soo xareenteedaba.

Eng. Maxamed Xaashi oo imika ka tirsan Madasha wada-tashiga ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu horeeyay ee uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u magacaabey W/Maaliyadda, Eng. Maxamed Xaashi oo bixiyay gabi ahaan dayntii ay xukuumaddii UDUB ka tegtay shaqaalaha dawladda u kor dhiyay muddadii uu joogay xilka W/Maaliyadda 100% Halka uu wasiir Samaale uu ka kordhiyay 30%.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo hadyo gooraale ka hadla’Mana-awaalka Miisaaniyadda Qaranka isaga oo sheega in uu kor u kac balaadhani kuyimid tan iyo intii Eng Maxamed Xaashi uu ku wareejiyay Jagadda Wasaaraddaas ayaa ah mid Ku eeg Buun buunin oo kali ah sida ka muuqata shaqaale weynaha Xukuumadda uu sannadkan u kordhay 30% halka sannadihii hore uga kordhay 100% ayaa laga milicsan karaa Been abuurka wasiirka Maaliyadda, oo ku mashquulsan ka riixista Jagadda Gudoomiyaha Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi

Fikirkii Cabdilaahi Cartan Qoolay (Cabdilaahi Maano)

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here