Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku wada saxeexay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
“Heshiiskan ayaa dhigaya in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar,” sida ay baahisay madaxtooyada Soomaaliya.
Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Waaxda warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dambe ku soo koobtay qodobbadii lagu heshiiyey, baaq ka kooban afar qodob oo kala ah:
- In saddexda waddan ay yagleelaan iskaashi sare oo fududeynaya gaarista yoolka shucuubtooda.
- In saddexda waddan ay abuuraan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.
- In saddexda waddan ay si wadajir ah uga hawlgalaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.
- In saddexda dawladood iyagoo ka duulaya heshiiskan ay dhisaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.
Intii ay kulanka lahaayeen masuuliyiintaasi waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii xal loogu heli lahaa khilaafka soo kala dhex galay Eritrea iyo Jabuuti.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay oo billawday intii uu hagaagay calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya.