“Dalka JAPAN Weelka Dhoobada Ah Ee Cusubi Haddii Uu Jabo Qiimaha Lagu Hagaajinayaa Wuu Ka Badan Yahay Ka Suuqa Uu Ku Yaallo”

0
198

“Dadka Japanese-ka ahi waxaa ay leeyihiin Murti dunida oo dhan ka caan ah oo macnaheedu noqonayo……”- W/Q: Sahra Ciidle Nuur, Washington, USA

Dalka Japan marka uu Weelku Jabo ee dib loo kabo ayuu ka qaalisan yahay oo uu ka qurux badan yahay markii hore ee suuqa laga soo iibiyay isaga oo cusub. Taa waxa Sabab u ah weel ka Jaba waxa lagu laxaamadaa ama lagu Kabaa Dahab, Wuxuu ka adkaadaa sidii uu markii hore ahaa waanu ka qurux badnaadaa. Weelka oo kaliya maaha ee Waa shay kasta oo Dhoobo ka samaysan, farsamadaasi waxay wax ka bedeshay aragtidii dadka Japanese ka ah, ay nolosha ka qabeen, waana ta u fududaysay inay dadka ka karti Bataan oo wax soo saarkoodu dunida wada gaadho, qof kii wax Ku dhacaan ama wax u hagaagi waayaan isma dhiibo ee wuu sii wadaa waxaanu marka dambe soo saaraan wax tayo fiican leh.Japanese Ku waxay leeyihiin Murti dunida oo dhan caan ka noqotay oo macneheedu noqonayo,” marka aad Juhdi badan gasho ama aad duruufo jira dartood isku bedesho oo muuqaalkaagu u bah dilmo waxaad haysataa fursad aad wax kaga Barato kadibna aad u soo baxdo qof intii hore ka qurux iyo qiimo badan” new version of you.

Murtidaasi waxay keentay in culimada nafsigu ay dadka Ku dhiiri galiyaan adiga ayaa leh Ikhtiyaarka aad jajabka Ku soo gaadha Dahab ugu buuxin karto ama aad u sii jajab naato.

Noloshu Waa geedi, Waa sida Buuga Uma gudbi kartid tuduca 2 aad Adiga oo aan ka soo gudbin tuducii 1 aad, ma noqon kartid Doctor hadii aanad soo baran CILMI ga caafimaad ka, xataa Adiga oo bartay oo sanado badan Ku so jiray wax barasho hadana laguu ogolaan maayo in Bukaan lagu gu aamino ilaa aad Imtixaan adag gasho oo waliba mudo aad tababar kale sii qaadato, taasi na Waa tusaale kale oo Ku baraya caqabadaha nolosha kaa hor yimaada.

Hadii lagu Imtixaamo ogow marxalad kale ayaa laguu diyaarinayaa, Hadii aad sabool tahay waxa lagu barayaa sida wax loo soo saaro, hadii qoyskiina mashaakil haysto Adiga ayaa la rabaa inaad barato sida Khilaafka loo xaliyo, hadii dalkaagu Burbur San yahay oo dib u dhac badani ka jirto Adiga ayaa Horumar gaadh siin kara, Adiga Adiga Adiga, cid kale maaha, Adiga ayay fariimihu kugu socdaan.

Laba wiil oo yar yar ayay hooyadood kor satay waxay aad u bartay cilmiga diinta Islaamka iyo Edaabta Suuban mudo kadib wiilashii oo mid yahay 12 jir midna 10 jir ayuu xanuun Ku dhacay, markay maalmo iyo todobaad yo jiifeen ee Dawooyin la siinayay ayaa wiilashii mid dhego beelay midna uu indho beelay, balse Hooyadii ka may caajisin wiilasheedii ee daryeel iyo dedaal dheeraad ah ayay galisay, sanad ka dib Hooyadii oo u kala Af celisa 2 da wiil isla markaana hawshii oo dhan dhabarka Ku sidata ayay Haweenaydii dhimatay! Oh….

Wiilashii Masaakiinta ahaa talo ayaa Ku cadaatay Oohin iyo baroor ayaanay isku dareen, dadkii u soo tacsiyeeyay ee u yimi waxa ka mid ahaa Imaamkii masaajidka ay Ku tukan jireen, mid ka mid ah wiilashii ayaa Iimaamkii waydiiyay ” Maxay Sidani noogu dhacaysaa anagoo ah Awlaad saalix ah oo hooyadayna xalaal nagu soo korisay? Sheekhii Wuxuu Ku yidhi Wiilkaygiiyoow sababta waxani idiin Ku dhaceen waxay tahay, in la tijaabiyo inay dhab idinka tahay sheegashadiinu, hadii aad Ilaahay iyo qadarka rumaysan tihiin hada ayaa la tijaabinayaa inay idinka dhab tahay maxaa yeelay markii aad ereyada Afka ka lahaydeen dhib Maydaan qabin balse maanta ayaa la rabaa inad xaqiijisaan.

Kadib labadii wiil weedhihii sheekhu Ku yidhi laabta ayay Ku qaateen waxay Ku dedaaleen inay cilmiga sii bartaan iyaga oo naafo ah dad badana wax sii baran kadibna markay 30 Ku dhawaadeen ilaahay laxaad koodii wuu u soo celiyay, iyaga oo Caalimiin ah dad badan soo saaray Xumaan iyo fusuq na ka nabad galay mudadii ay dhalin yarada ahaayeen ee ay curyaamiin ta noqdeen.

Waxay guursadeen iyaga oo dhawrsan waxay noqdeen Niman dhaqaale haysta oo caan ah.

Sheekadaas oo aan soo koobay waxay ka

Dhacday dalka Syria mudo haatan laga joogo 80 sano sidaana waxa class aan qaadan jiray 2013 kii kaga sheekeeyay Prof. Seyyed Hossein Nasr oo shahaadada PhD da haysta, kuna takhasusay Cilmi badan oo ay ka mid yihiin History of Science iyo Philosophy. Waana Qoraa buugaag aad u badan leh.

Maalintii Professor Ku sheekadaa ka sheekaynayay aniga oo class ka fadhiya ayaan niyad ahaan baxay markaasaan soo xusuustay in dhacdo kasta ay jirto xikmad ka dambaysa iyo Sabab ay u dhacday, adiguna xusuus now hadii aad wax waydo waxa jirta Sabab lagaga qaaday inta aad wixii lagaa qaaday Ku ooyayso yaanay kaa galaafan wixii laguugu soo bedeli lahaa ee ka khayr badnaa.

Qoraal Ku wuu ila taraaray ee aan Ku soo koobo, ” Ha Is dhiibin wax kasta oo dhaca” hadii dhibaato kugu dhacdo u arag fursad aad wax kaga baran karto hadii aad ka baxdana noqo qof ka adag oo ka Geesi San intii hore, noqo qof u diyaar San mar xaaladaha kala duwan ee nolosha iyo Wajiyada ay kuugu yimaadaan, kana fogow Kibirka iyo Isla waynida wax kasta oo aad hesho.

Wa bilaahi Tawfiiq.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here