Hargeysa (Hubaal) Dalka Sweden oo ka mid ah waddamada waawayn ee Qaaradda Yurub, ayaa si gaar ah isha ugu haya inuu aqoonsado madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland kadib doorashadii Madaxtooyada ee badhtamihii bishan shacabkeedu ku doorteen madaxweynaha cusub. Wargeys kasoo baxa dalka Sweden oo la yidhaa Nyheter Idag, ayaa cadadkiisii soo baxay 21 Nov 2017ka ku daabacay mid ka mid ah bogaggiisa qoraal uu ku falanqaynayo horumarka wayn ee Somaliland gaadhay iyo sida ay indhaha caalamka u soo jiidatay, sidaa darteedna dalka Sweden uu u muuqdo inuu hormood u yahay sidii loo ictiraafi lahaa. “Dal Afrika ka mid ah oo la yidhaa Somaliland, ayaa kasbaday inuu soo jiito indhaha dunida oo ay ku jiraan dalalka Iskaandaniifiyaanku (Sweden, Finland iyo Dermark), iyadoo uu dalka Sweden yahay kii kowaad ee ka tirsan Ururka reer Yurub (EU) ee aqoonsada Falastiin, sidoo kalena uu yahay ka keliya ee ahmiyadda aan ka dhicin aqoonsi u fidiya Saxaraha Galbeed, waxaana haatan soo baxaya oo muuqda xoogag dibadda ka riixaya in la aqoonsado Somaliland,” ayuu ku yidhi wargeysku qoraalkiisa oo aannu Af-soomaali ku soo turjunay. Waxa uu intaa ku daray Wargeysku, in inkasta oo aan la aqoonsan Somaliland ay haddana qabsadeen doorashooyin dhawr ah oo ay dadweynuhu codkooda ka dhiibteen lix jeer tan iyo intay ku dhawaaqday madaxbannaanideeda oo ay kasoo wareegtay 26 sannadood. Guddoomiyihii goob-joogayaasha Caalamiga ee doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee badhtamihii bishan November qabsoontay Mr. Michael Walls, taas oo madaxweyne loogu doortay Md. Muuse Biixi Cabdi oo ahaa murrashaxii xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa sida uu qoray Wargeysku waxa uu Mr. Michael ku dooday in Somaliland laf ahaanteedu u aragto inay guul u tahay doorashadaasi, waxaannu Micheal yidhi, “Inkasta oo aanay dunidu weli aqoonsan Somaliland, haddana waxay runtu tahay inay suurtagal ka dhigeen qabashada doorashada, taasoo marka si loo eego aqoonsi u ah Somaliland.”
Wargeyskan oo emailka ugu diray su’aalo la xidhiidha aqoonsiga Somaliland laba xisbi oo ka jira dalka Sweden, ayaa labadooduba si togan (Positive) uga jawaabeen. Xisbiyada The Christian Democrats iyo KD waxay si cad u sheegeen in Somaliland qaaday jiho ka duwan ta Soomaaliya ee khilaafaadku hadheeyey, iyagoo doortay [Somaliland] inay qaaday dhabbaha nabadda iyo degganaanshaha, inkastoo xidhiidhka ka dhexeeya Soomaaliya uu yahay mid xasaasiya. Intaa waxa uu ku sii ladhay Wargeysku qoraalkan “Xisbiga KD waxa uu aaminsan yahay in aqoonsiga Somaliland lala kaashado dalalka xubnaha ka ah Ururka Midowga Yurub.”
Sidoo kale, xisbiga The Christian Democrats si kastaba ha ahaatee waxa uu isagu si buuxda dhawaaq dheer ku caddeeyey inuu taageersanyahay madaxbannaanida Somaliland.
“Somaliland waxay buuxisay dhammaan shuruudihii sharci ee dal madaxbannaanidiisa lagu aqoonsan lahaa, waayo waxay ka taliyaan dhammaan xuduudahooda, sidoo kalena waxay u shaqeeyaan si tusaale u noqon karta qaybo ka mida dunida, iyagoo qabta doorashooyin xor ah, isla markaana leh hay’ado shaqaynaya, nabadgalyo iyo xasilooni.” Sidaa waxa yidhi Markus Wiechel oo ku dooday in dawladda Somaliland arrimaheedu si aad ah uga duwan yihiin waxa loo yaqaan Soomaaliya.
Waxa kale oo uu intaa ku daray Mr.Wiechel in Somaliland oo la aqoonsadaa u noqon karto tusaale fiican oo u adeegi kara in guul laga gaadhi karo khilaafaadka oo lagu xalliyo wadahadal, halkii lagu dooni lahaa rabshad iyo dagaal.
Horraantii sannadkan, ayaa ergeyga khaaska ee arrimaha Somaliland ee Ururka Midowga Yurub (EU) Mr. Mikeal Torstensson uu isagoo tilmaan ka bixinaya Somaliland yidhi, “Somaliland waa dalka qudha ee ugu dimoqraadisan dalalka Geeska Afrika.” Waxaannu intaa raaciyey oo sheegay in iyadoo ay sidaa tahay ay haddana ku xeeran yihiin keli-taliyayaal, argagixso iyo budhcad-badeed, waana dal si wacan u dhawra Xuquuqal-Insaanka, gaar ahaana ta haweenka, waana dal si dhammaystiran u buuxiyey dhammaan shuruudaha sharci ee dal lagu aqoosado.
Ergeygu waxa kaloo uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Somaliland ay qaabishay qaxooti ka qaxay Yemen iyo dalal kale oo deris la ah, dhinaca kalena waxa uu Ergeygu si aad ah u ammaanay heerka nabadgalyo ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo soo qaatay warbixin uu dalka Maraykanku ku cabbiray heerka ammaanka ee Caasimadda dalka oo uu ku tilmaamay inay tahay ta Afrika oo dhan ugu ammaan wanaagsan.
Hore waxa uu nin Professor oo la yidhaa Pal Wrange oo qawaaniinta Caalamiga ka dhiga Jaamacad ku taal magaalada Stockholm ee caasimadda Sweden ku dooday in aanay jirin wax caqabado sharciyeed ah oo ka hor istaagaya in la aqoosado Somaliland.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay hadda Xafiisyo u hawlgala sida Safaaradaha ku leedahay dalal badan oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Koonfur Afrika, Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska iyo Sweden, waxayna iskood ugala soo noqdeen madaxbannaanidooda dalkii Soomaaliya sannadkii 1991kii,” ayuu ku soo gunnaanaday warbixintiisa wargeysku.