Waxa aan aad iyo aad uga xumahay farsama xumada iyo hirdanka beelaysan ee ka socda Jaamacada Hargeisa iyo hakinta adeega waxbarasho, waxa aanu doodnay xalay rag waawayn oo madaxa lakiin waxa aanu u doodnay sidii geeljiraha oo aad moodo nin waliba in uu cid gaara dufaacayo, waxa laga doodayaa waa Jaamacadii Qaranka ee Hargeisa. Waxa ay Jaamacada Hargaysi soo martay daruufo ka qalafsan, tan shalay dhacday ee mudahaardka tiro yar oo ardayda ka midi qastay adeega 6000 arday wax lagu baro, waxa soo maray Jaamacada dhaqaalo xumo, macalin la’aan iyo baahiya aas aasiga ah oon la hayn. Taariikhdu markay ahayd 2002 ayaa gudidii sare ee Jaamacadu soo jeediyeen in mudo 6 bilooda la xidho sababta oo ah duruufihii dhaqaale iyo macalin ee xiligaa jiray, waxa ka soo horjeestay ardaydii xiligaa oo ahayd kuwii ugu horeeyay oo jaamacada lagu bilaabay oo aan ka mid ahaa, waxa aanu u arkaynay hadii Jaamacada la xidho in aanay dib u furmi Karin, xalkaana ay ku rajo beeli lahaayeen hiigsigii umada oo ay u ahayd goobta qudha ee lagu soo hirto. Waxa ka mid ahaa wax yaalaha aanu ka war wari jirnay in Jaamacadu hesho mar uun dayr lagu soo wareejiyo, si looga raysto dadka iyo xoolaha Jaamacada dhex mara, maadaama oo ay ahayd goob banaan oo riyuhu ka qadhaabtaan kuna dhalaan. Waxa aan xasuusta guddidii ardayda ee Jaamacada Hargeisa ugu horaysay oo aan xubin ka ahaa, guddidaa ardayda ee xiligaa waa ardaydii lagu bilabay Jaamacada oo toos waxbarashada sare loo bilaabay 2000, isla sanadkii aanu ka soo baxnay dugsiga sare ee Farax Omar. Guddidaa waxa lagu doortay hab cod gacan taaga gudoomiyaha iyo xubnaha guddida ardayda, guddidu waxa ay la doodi jirtay madaxdii iyo gudoomiyihii Jaamacada oo xiligaa ahaa Cali Qaadi, oo aanu culays ku saari jirnay in la horumariyo adeega Jaamacada, ardaydii saban kaasi qaabiil may kala lahayn ee waxa midayn jiray u jeedo iyo in danta guud laga hadlo, waxa aan xasuusta maalin guddida sare ee Jaamacada la kulanay oo ay ka mid ahaayeen Adna Adan iyo Sheekh Yusuf Sh. Madar, shir maamulka iyo ardayda dhex maray, ayaa la yidhi maxad ka cabanisaan, ardaybaa ugu jawaabay sidan, ‘waxa la yidhi dameeroow bahashan dameera ee haraatida kugu dishay maad iskaga hadhid, dameerkiiba yidhi waxba kuma qabee, waxa aan isleeyahay bahalkii dameer ahaa yaanu dabar go’in, markaa meesha waxbarasho kuma haynee yaanay waxbarashadu dabar go’in baanu is leenahay’. Gudidii sare ee nala doodisay wax ay ku hadlaanba way garan waayeen, ardayda maanta dhigata ee aan macalinka u ahayna waxa loo kala qaybiyay beelo aan dani igu jirin oo maanta Jaamacadii gayeeysiiyay in hakad la galiyo oo ah guul daro hor leh.
Waxa kale oo aan xasuustaa mar la soo jeediyay in Jaamacada magaca laga badalo oo aanu ka dagaalanay, ardayda oo ku doodisa sidee qof magacii loogu bixin karaa, Jaamacad wadata magaca caasimada Hargesisa taasina may suurto galin ardaydii xiligaa oo isku duubnayd awgeed.
Jamacadu hadii ay xumaato waxa ayka xumaanisaa ardayda oo ay ka xidhmi doontaa, ardaydu reer maaha, ee waa arday qaran ee yaan nin dan lihi idin adeegsan ee ka fiirso inta aanad falin. Jaamacada Hargaysi waa guul qaran ee haka dhigina guul daro.
Dawladda waxa looga baahan yahay in ay qaadato go’aan adag iyada oo la eegayo oo qudha mustaqbalka ardayda wax ka barata iyo kuwii hore ee ka baxay Jaamacada oo shahaadooyinkoodu ku abtirsadaan. Waxa aan is idhaa marka aan sheekooyinka qaar dhagaysto malaha dalkan dadkii lahaa majoogaan, isqabsiga Jaamacada ee riiqda dheeraaday marka dhanka san laga eego waxa ay muujinisaa meel dadku wada leeyahay, maxaa yeelay hadii cidi leedahay muranba muu yimaadeen, oo waxa uu odhan lahaa sida Jaamacadaha kale ee dalka ka shaqeeya iga dareera adeer meesha miyaad igu haysataan. Bal u fiirso Jaamacada Muqdisho waxa ay ku taalaa meel holcisa maalin qudha ma istaakto waxbarashadu, hadii dagaal ka dhaco goobta wax lagu barto waxa fariin loo diraa ardayda in galaaska lagu galayo meel kale oo markaa nabdoon oo laysla garanayo, sidaas awgeed mar qudha may istaagin waxbarashadu dagaal kasta oo soo maray, waxa kale oo jira sharci adag oo lagu fuliyo dhamaan ardayda oo dhan, faqiir iyo taajir, atoore iyo miskiin, oo dhigaya ardayga in la eryo hal sano hadii uu sharciga Jaamacada khilaafo, waxa ay la gaadhay in arday mar la eryay uu u yeedho tiknikadii reerkooda oo Jaamacada la qabsado laakiin nasiib wanaag ka may joojin Jaamacada in ay sii wado sharcigii ay dhigatay. Gabogabadii, Islaan baa laga hayay ninka xoogaa lihi inantayda kamuu dhali waayine wuu hagranayaa, markaa aragtidayda ma aqbali karo in maanta la yidhaa ardaybaa Hargeisa gudaheeda loo taag laayahay oo jaamacadiibaa hakad la gashay, tani waxay ay gaf ku tahay maamulka Jaamacada iyo dawladda qaranka ee Somaliland.
La-taliye iyo Bare sare:
Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
+25263 4418302