Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi galinta somaliland cabdilaahi maxamed daahir cukuse ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadaladii kasoo yeedhay qaramada midoobay iyo xukuumada somaliya ee lagu canbaraynayay Galintaanka ciidanka qaranka somaliland Galeen Degaanka Saax-dheer.
Shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada hargaysa ayaa uu ku duray hadaladaas kasoo yeedhay Dawlada Somaliya,waxaana uu ku tilmaamay in ay Dhawaceen Wada hadaladii somaliland iyo somaliya.
Dhinaca kale waxa uu Cadeeyey in ay Xuduudaha somaliland ay sugayaan,isla markaasna wixii fad-qalo ka wada Gobolada bari Ay gacan bir ah ku qabanayaan,waxaana uu beesha caalamka u sheegay inaanay Dalka somaliland Kala talin Karin waxaana uu yidhi”
“Annagu maanta waxaanu Iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka Daahan tahay u sheegaynaa oo qof kasta oo madmadaw kaga jiro ama ka daahan tahay ama riyoonaya u sheegaynaa, Somaliland waa Somaliland,Dalkayaga meel ka mid ah oo Cidi nagala talin kartaa ma jirto,Dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelayno iyo nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirku waxa uu Masuuliyiinta Somalia ku eedeeyay inay dabada ka riixayaan Cali Khaliif oo dhawaan loo doortay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo “kuwa Cali Khaliif dabada ka riixaya ee Odaygaa wayn Khal-khalinaya inaad idinka tihiina waa wax caddaan ah oo muuqata” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir Cukuse
Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Wakiilada Qaramada midoobay,Maraykanka iyo Midawga Yurub Somalia u joogaa ku dalbadeen in Somaliland ciidankeeda dib uga soo saarto Saax-dheer “ waxaanu leenahay Xuduuddayada Baac ka mid ah oo aanu dib uga soo noqonaynaa ma jirto inaanu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland na jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay Cududda Militarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse
Hadalka Xukumadda Somaliland ayaa daba socda Bayaan Wakiiladda Somalia u jooga UN-ka, EU-da iyo Maraykanka iyo waliba Madax Somalia ahi ku sheegayeen in laga saaro Saax-dheer Ciidanka Somaliland lana sii daayo Maxaabiista, hase ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in Ciidanku amarkiisa ku tagay Saax-dheer.