“Dalku Dastuur Buu Leeyay, Laakiin Dastuurku Maaha In Wixii Isaga {Madaxweyne Siilaanyo} Taabanayana Ka Boodo Wixii Kalena Sheego”

0
24

Hargeysa(Hubaal) -Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay ka fursanayn in la dhiso dawlad wadaag ah, haddii la hirgalin waayo heshiiskii xukumadda iyo xisbiyada.

Eng Faysal Cali Waraabe oo madaarka Hargeysa saxaafadda kula hadlay xilli uu ka soo laabtay dalka Jarmalka ayaa sheegay in Somaliland arrimo badani hor yaalaan “Somaliland waxay maraysaa Is-goys, waxaa ina hor yaala arrimo badan. Arrimahaas waxaa loo baahan yahay in wada jir looga tashado, haddaan arrimahaas la dhammayna waxaan filayaa inaanu mustaqbalka Somaliland qurux badnaanayn” ayuu yidhi Eng Faysal. Hogaamiyaha Ucid wuxuu ku taliyay in la hirgaliyo heshiiskii ahaa in December 2016 la qabto doorashada ee asxaabta iyo xukumaddu isla gaadheen “Waxaynu ognahay in heshiis ay gaadheen saddexda xisbi,, heshiiskaa in la hirgaliyo weeye.madaxweyne xigeenku wuu nala saxeexay heshiiska,taa macnaheedu xukumadduna way ku jirtaa weeye,haddaanay dee kala socon madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenku laakiin, waxaan filayaa in xukumaddu ku midaysan tahay rayigaas. Ilaa hadda doorashadii way laalan tahay,waxay ahayd in lagu talaabsado meel marinta heshiiska saddexda xisbi” ayuu yidhi Gudoomiyaha Ucid.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here