Dooddii Xisbiyada Qaranka Iyo Masraxiyaddii Aqoonsi Raadinta ee Faarax Murtiile Iyo Bahda Dhaqanka SOCSA
Hargeysa (Hubaal)- Ban-dhig Caweys Ballaadhan oo ay soo qaban qaabisay Dalladda Heer Qaran ee Urrurada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO ayaa habeenkii Jimcuhu soo galayay lagu qabtay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, Cawayskaasi oo isugu jiray dood-cilmiyeed la xidhiidha Maxaa Somaliland u qabsoomay rubuc qarnigaa ay jirto ee aan ui dabbaal dagayno iyo doorka dhallinyarada Somaliland gaar ahaan kobcinta waddaniyadda oo ay SONYO si weyn isugu hawlaysay in muddo ah iyada oo cawayskan sidoo kale lagu soo bandhigay Maadays xiiso badan oo la xidhiidha Aqoonsi raadinta Somaliland iyada oo ay maadayskaasi daadihinayeen Abwaanka caanka ah ee Maadeeyaha ah Faarax Murtiile, Fannaanad Ubax Fahmo iyo kooxda Dhaqanka iyo ciyaaraha ee SOCSA Group. Cawayskan oo la isku arkay waxa ka soo qayb galay Guddoomiyaha dalladda Urrurada Dhallinyarada Somaliland oo hogaaminayay xubnaah Golaha Sare ee SONYO iyo Agaasime Siciid Maxamed Axmed oo ah agaasimaha Fulinta dalladda SONYO iyada oo ay ka soo qayb galeen Wasiirkii hor ee Maaliyadda Somaliland dawladdii Daahir Rayaale Ambasaddor Cawil Cali Ducaale, Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Naasir Qodax oo ah xoghaye ku xigeenka Xisbiga UCID iyo Naasir Baddal oo ka mid ah isna masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Ugu Horrayn waxa madasha daah-furay oo martida soo dhaweeyey kana hadlay ujeedada kulankaasi Agaasimaha Fulinta Dalladda SONYO Mudane Siciid Maxamed Axmed oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulankan SONYO u qabatay iyo qiimaha ay innoogu fadhido xuska maalinta 18-ka May gaar ahaan xuska sannadkan oo kus oo beegmaya rubuc-qarni uu qarankani soo dhismayay isaga oo agaasimuhu ka shanqadhiyey doorka dalladda SONYO iyo xuska maalintan iyo sida loo baahan yahay in dhallinyaradu kow ka ahaato hana qaadka qaranka iyo waddaniyad jacaylka. Waxa isna madasha hadalo qiimo badan ka soo jeediyay Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Siyaad Cumar Cali oo si qoto dheer uga warramay ujeedada iyo milgaha SONYO u taagan tahay in ay ugu horrayso sidii qarankani u noqon lahaa mid hana qaad ah oo ay dhallinyaradu yihiin cududda koowaad eek u suntan qiimaha qarankan. Guddoomiyaha dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mudane Siyaad Cumar Cali oo isgu si rasmi ah u furay dood cilmiyeedka la xidhiidhay waddaniyadda iyo doorka dalladda SONYO waxa uu ugu horaynba gudoomiyuhu hambalyo u diray dhamaan shacab waynaha Reer Somaliland meel kastoo ay dunida kaga nool yihiin Munaasibada 25 guurada 18-ka may waxaa uu sidoo kale xusay guddoomiyuhu duruufihii iyo caqabdii ay soo martay Somaliland kuwasoo leh caqabado dhaqan dhaqaale balse waxaan rajaynayaa buu yidhi inay ka gudbi doonto waxaa lagama maarmaan ah midnimo shacabi iyo inaan gacmaha isqabsano oo aan u midawno qaddiyadda dalkeena kana dheeraanoq abyaaladda iyo wax kasta oo umaddan walaalaha ah kala dilaya. Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Walaalayaal dallada SONYO waa hal abuur qaran oo soo saartay hogaamiyayaal badan, SONYO waxay ka soo gudubtay caqabado badan oo ka baratay casharo badan sidaa darteed lagama maarmaan ayay noqotay inaanu caawa qabano cawayskan isla markaana aanu marti gelino dood aqooneed laga baran karo iyo sidii aan u hiigsan lahayn horuumar taam ah oo lagu horuumarin doono qaranimadeenna waxaana uu guddoomiyuhu ku dhawaaqay inay soo abuubuli doonaan shirwayne qaran oo lagaga hadli doono tahriibta”. Munaasibaddan oo ahayd mid aad u ballaadhan waxa iyaguna halkaasi ka hadlay masuuliyiin badan oo qaranka xilal ka soo qabtay iyo xildhibaano kala duwan iyo waliba masuuliyiin ka kala socday saddexda xisbi qaran ee Somaliland kuwaasi oo dhammaantood iska daba maray muhiimadda xuska 18-May iyo 25 sanadood kadib maxaa Somaliland u qabsoomay, maxaa mudan in wax laga badalo halkeese qarankani u socdaa oo ay lagama maarmaan tahay in aynu dhammaanteen gacmaha iska qabsano iyada oo SONYO lagu guubaabiyey in ay dhallinyaradu door weyn ku yeelato dhismaha qarankan 25 jirsaday si weyna kor loogu qaado waddaniyadda waxna laga qabto dhibaatooyinka dhallinyarada u gaarka ah. Mudadii uu xuskan cawayska ahi socday waxa dadkii ka soo qayb galay si weyn ula dhaceen dooddii ay ka qayb galayeen Masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, xildhibaanada iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Ambasaddor Cawil Cali Ducaale iyo waliba masuuliyiinta SONYO, dooddaasi oo lagu lafa guray arrimahasi aan soo sheegnay. Sidoo kale waxa Cawayskan lagu soo bandhigay Filim Dhukumantari ah oo ka hadlayay marxaladihii ay Somaliland soo martay oo uu soo saaray Filim qaade Cali Jibriil Xirsi. Guntii Iyo Gebo Gebadii ayaa waxaa madashan cawayska lagu soo bandhigay riwaayad aad u xiiso badan oo ay soo diyaariyeen Faarax murtiile, ubax fahmo iyo SOCSA Drama Group kuwaasoo soo bandhigay masrixiyad xambaarsan ahmiyada ictiraaf raadinta, dhabaatada qabyaaladda iyo sida ay qaranimadu u deeqayso cidwalba waxaana sidoo kale bar bar socday heeso wadani ah oo ay ku soo bandhigeen qaranimada Somaliland.