Dalladda SONYO Oo Hadhimo sharafeed ku maamuusay Qaar Ka Mid ah Golaha Wasiiradda xukuumadda madaxweyne Siilaanyo + Daawo Sawirro

0
37

Hargeysa(Hubaal)  Dalladda ay ku midoobeen Dhalinyarada Somaliland Ee SONYO ayaa maanta soo qaban-qaabisay xaflad ay qado sharaf ugu Sameeyeen Soo Dhawynta Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dhalinyarada Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahi,Wasiir ku Xigeenkiisa Iyo Sii Sagootinta Wasiirkii Hore Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal  Sido Kale waxa ay shahaado sharaf Siyeen dhamaan shakhsiyaadkii ka qayb qaatay xalinta khilaafkii SONYO.

1Qado sharaftan oo ay ka soo qayab galeen Ururada Bulshada ee kala duwan Xubno ka mid ah Golaha wasiirada Xildhibaano iyo Qaar ka mida ardayda Jaamacaddaha Dalka.

Ugu Horeyn Munaasibadaasi waxa Daah Furay Guddoomiyaha Dalladda Sonyo Siyaad Cumar Cali oo yidhi “u jeedka aanu maanta u qabanay qado sharaftan waxa weeye Sidii aanu u sii sagootin lahayn wasiirkii hore ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland una soo dhawyn lahayin Wasiirka Cusub ee Wasaarada iyo ku xigeenkiisa .

Waxa walba oo howl ah oo inaga qabyo ah waxaan filayaa in aan halkii ka sii qaybqaadi lahayin sidoo kale maanta waxa halkan aanu shahaado sharaf gudoonsiinaynaa Guurtidii Sonyo oo ah kuwo naga mutastay in aan maan gudoonsiino shahaado sharaftan,waa guurtidii Sonyo U soo gurmatay arrinkii Sonyo ka dhex dhacay”

2Sidoo Kale waxa halkaasi Hadalo ka soo jeediyay Agaasimaha Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada Somaliland Cabdicasiis Xirsi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Sidaa Siyaad Sheegay waxaan qabaa in ay Sonyo Farxad u tahay dhamaan howshii ay ka soo gudubtay,Sidaad la wada socoteen Sonyo Qodabo ayay ku heshiisay waxaan filayaa in gududaasi si fiican u fuliso ,ka sonyo ahaan wali waxa noo yaal arimo kale si aan Sonyo arinkan oo kale dib uga dhicin” ayuu yidhi mr Cabdicasiis

dhanka kale waxa hadal kooban oo mahadnaq u badan ka jeediyay munaasibadan Guddoomiyihii hore Ee Sonyo Yaxye Ubaxle “waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan xubnaha Sonyo oo halkan maanta fadhiya ama isku dhan iyagoo is ogol ama iska u jeedo ah dhamantiin waa mahadsantiin ayaan idin leeyahay anagauna waxaanu nahay ayaan filayaa in aanu nahay guurtida Sonyo”

Waxa munaasibaasi si isku mida u wada hambalyeeyay Wasiir ku cusub ee wasaarada Caafimaadka wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha ,agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha ,agaasimaha guus ee wasaarada arimaha dibada horana uga mid ahaa bahda Sonyo iyo sidoo kale gudoomiyaha akaadamiga nabada iyo horu marinta Somaliland

1Waxa munaasibadaasi hadalo qiimo badan ka soo jeediyay wasiirka cusub ee wasaarada ciyaarah Axmed Cabdi Kaahin “waxa maanta inoo fatxad ah in aan sidan uga soo qayab galo Xafaldan Sabootinta iyo soo dhawaynta isugu jirta oo ay inoo sameyay Dalda Sonyo ,waxa lama ilaawaan ah sida haboonayid ee Dalda Sonyo u dhamaysay khilaafkii dhexdooda ka jiray isla markaan aan maanta wada aragno iyagoo gacmaha is haysata oo isku dhan taasina waa mid Alle Lugu Mahad Naqo ayaan leenahay .

Waxa iyana dhexdooda shahaadooyin la gudoonsiiyay Xubnihii ka shaqeeyay isku xidhka SONYO iyo xalinta khilaafkoogii oo iyana halkaasi la gudoonsiisay shahaado sharaf lugu maamuusayay .

Gabagabadii waxa munaasibadaasi Soo Af meeray wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Cali Siciid Reygal oo ku amaanay waxqabdaka Sonyo Bogaadina u soo jeediyay Sidii ay u soo af-jareen xurguftii dhex martay laba dhinac oo imikana labadooduba ka tiursanyihiin Sonyo .

 source:Hadhwanaagnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here