Dalllada ay Ku Bahoobeen Naafada Somaliland Oo Dadka Naafada ah Ugu Baaqday Inay Qaataan Kaadhadhka Cob-bixiyayaasha Doorashooyinka

0
28

Hargeysa:(Hubaal)-Dallada ay ku bahoobeen Ururrada Naafada Somaliland ee Marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno SNDF, ayaa gebi ahaanba dadka Naafada ah ugu baaqday inay qaataan kaadhadhka Codbixiyayaasha Somaliland oo dhawaan dalka laga bilaabi doono Bixintooda. Shir jaraa’id oo hoggaankda dalladani maalintii shalay ku qabteen xaruntooda guud ee magaalada Hargeysa, ayey si qoto dheer ugu faahfaahiyeen Muhiimadda ay Dadka Naafada ah u leedahay qaadashada Kaadhadhka Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka dalka ka dhici doona, waxana ay tilmaameen inay qaadashada kaadhadhkaasi tahay Waajib distoori ah oo Muwaadin waliba xaq u leeyahay inuu qaato si uu ugu doorto cidda uu doorbidayo.dalada naafada

Ugu horrayn Guddoomiyaha Dallada heer qaran ee Ururrada Naafada Somaliland ku bahoobeen Marwo Nuura Maxamuud Nuur oo halkaasi ka Hadashay, ayaa ku dheeraaday Baaqa ay dadka Naafada ah u dirayso ee la xidhiidha qaadashada Kaadhka Codbixinta Doorashooyinka dalka ka dhici doona,

“Dallada Naafada Somaliland ee Heer-qaran waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dadka naafada ah ee buuxiyey shuruudaha cod-bixinta ee Lagu lagu qeexay xeerka doorashooyinka qoddobkiisa 5-aad inay kaadhka codbixinta ee lagu codaynayo doorashooyinka madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Golaha sharci-dejinta Somaliland Sanadka 2017-ka. Waxa kale oo aanu ogaysiinaysaa Dalladdu inay xaq u leeyihiin oo wax doortaan lana dooran karo, waxa kale oo ay dalladu la socodsiinaysaa in la’aanta kaadhka muwaadinka ka hor istaagi doonto inay codeeyaan.” Ayey Tidhi Guddoomiye Nuura Maxamuud Nuur.

Guddoomiye Nuura oo hadalkeeda sii watada, ayaa Dadka naafada ah ku dhiirrigelisay in qaadashada Kaadhka Codbixintu muhiim u yahay dadka Naafada ah, waxana ay tidhi, “ Dalladu waxa ay ku baraarujinaysaa dhammaanba dadka naafada Somaliland in ka-qaybgalkoodu muhiim u yahay qabsoomidda doorasho dimuqraaddi ah oo Somaliland ka dhacda, taas oo kobcinaysa dimuqraaddiyadda iyo horumarka dalka, waxana aanu uga digaynaa Dadkaas naafada ah inay isku dayaan inay kaadhadhka Dhalashada iyo kuwa codbixintaba qaataan hal mar wax ka  badan, taas oo keeni karta ciqaab sharci iyo mid maaliyadeedba sida xeer cod-bixiyayaasha Somaliland sheegayo” ayey Hadalkeeda kusoo gunaanadday Guddoomiye Nuura.

Maxamed Aadan Ducaale oo isaguna kamid ah Xubnaha Dallada ay ku bahoobeen Dallada Naafada Somaliland, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay Dadka naafada ah uleedahay qaadashada kaadhadhka Codbixintu, waxana Dadka naafada ah ugu baaqay inay su hufan u qaataan Kaadhadhkaas si aanay xuquuqdooda u waayin.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here