Hargeysa (Hubaal) Iyadoo loollanka murashixiinta xisbiga Kulmiye uu u eg yahay mid weli aan gaadhin bartii dhamaadka iyo kala hadhka, ayaa gudoomiye Muuse Biixi wuxuu qaaday talaabo loo arko mid muhiim u ah yoolkiisa, taasoo uu ku magacaabay ilaa sagaal masuul oo u badan gudoomiyayaasha xisbiga ee goboladda, talaabaddaa oo sidii hore u dhici jirtay aan dhalinin jawaab lid ku ah oo ka soo yeedha, ragga ay xagga siyaasada colka ku yihiin ee loollanka kula jira.
Siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo u dhuun dalloola waxa ka socda xafiisyada saamaynta ku leh arrimaha xisbiga iyo xarunta xisbigaba, waxa sababay talaabadan uu qaaday gudoomiyuhu isbedelo jimcooni siinaya dhankiisa oo dhacay, kuwaasoo ishaaro iyo ogolaansho ka helay dhanka wax waliba ku xidhan yihiin. “Ma Muuse Biixi baa ku guulaystay xisbiga Kulmiye?, waa su,aal meesha ku jirta jawaabteedana aan odhan karo, Haa.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubnaha golaha dhexe ee xisbiga oo dalbaday in aan magaciisa la shaacinin. Wuxuu intaa sii raaciyay oo uu yidhi; “awal hore talaabadduu gudoomiyuhu qaadaba, waxa laga dabri jiray dhanka madaxtooyada, laakiin maanta talaabadani waa mid marinkeeda haysata, taasina waxa ka dhigantay in Muuse Biixi ku guulaystay xisbiga Kulmiye.” Inkastoo tibaaxahani soo yeedheen, haddana weli kama turjumi karaan xaqiiqada rasmiga ah oo loo arko mid weli laalan.
Dhanka kale, siday faafiyeen warbaahinta qaarkood Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la rumaynayaa inuu ka badheedhay hankiisa, isla markaana shir doceed laysugu keenay xubnaha wasiiradda beesha bariga Burco kaga jira xukuumadda, uu ka sheegay inuu taagan yahay tartanka murashaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye. maqalka dadban ee guuxa iyo reenka damaca Xirsi horeba waa u badnaa, balse warkan la faafiyay ee laga soo xigtay kulan doceedkaa ayaa noqonaya saafid runta uga dhaw wixii hore. Xogaha kulankaa laga baahiyay waxay intaa ku dareen, in badheedhaha damaca Xirsi uu ka hor yimi Wasiirka duulistu, isla markaana uu ku dooday in siyaasiyiinta beesha madaxweynuhu aanay xaq u lahayn doorkan soo socda, inay u tartamaan madaxweynenimo, balse uu Wasiir Xirsi sheegay dhankiisa in aanuu jirin wax u diidaya murashaxnimada madaxweynaha, isla markaana uu ku celiyay inuu u taagan yahay. “Damaca Xirsi waa gantaal kale oo halis ah. waa run oo sharciga Kulmiye kuma qora doorkan, beeshaa siyaasiyiinta ka soo jeedda oo keliya ayaa noqonaya murashaxa madaxweynaha. Fursadaha iyo waqtigana la isma amaahiyo, markaa khamaar siyaasadeed ee Xirsi ciyaarayaa waa mid dhiiran oo baquhu ku yar yahay, mooyi waxay natiijadiisu noqon doonto.” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah falanqeeyayaasha lafa gura dhacdooyinka siyaasada.
Marka la eego xoggo laga soo xigtay illo dhanka Muuse Biixi u janjeedha, waxa mar kale laysla dhexmarayaa oo la hadal hayaa inay suuragal tahay, in wasiir Xirsi laga dhex saaro madaxtooyadda dhacdooyinkaa awgood, haddii taasi run ku dambaysana waxay faa,iido u tahay Muuse Biixi. Laakiin dadka siyaasadda xukuumadda Siilaanyo axadha, aadkana ula socda midabadda iyo isbedelada aan negaadiga lahayn ee loo nisbeeyo hogaaminta, waxay rumaysan yihiin in aanay hawl yarayn in miisaankiisa loo badheedho.
xigasho:Ogaal