Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Godane “Shiikh Mukhtaar Abaa Zubayr” haddii uu dhintay, waxa uu ka dhintay tiro yar oo ibnu-aadam ah oo aan odhan karo
waxa ay fahansan tahay sida dunida wax u socdaan wakhti xaadirkan casriga ah. Ha saxsanaado ama ha khaldanaadee waxa uu ahaa nin kollay ba fikirka uu aaminsan yahay awoodda ka sokow u lahaa caqli, aqoon iyo hibo dhalan ah oo uu ku meel marin karayey.
Jihaadka uu ku jiray ee Caalamiga ahi kama madhna xanaf Islaamku diiday, ha se yeeshee waxa weeye mid ay ku caabbinayaan aragtida reer Galbeedka ee gacan ku qabashada caalamka oo iyadu ba leh xanaf tiro badan. Hawlaha uu ku jiray sida ay uga fogaayeen ama ugu dhowaayeen Ibnu-aadannimadu, waxa ay ku xidhan tahay sida ay u kala wacnaadaan ama u kala xumaadaan labadaas aragtiyood, marka la qiimeeyo.
Ma odhan karo waxa uu galayaa cadaabta ama jannada, bal se waxa u ahaa dhowr iyo soddon jir ku taamayay dhib kasta ha kala kulmee in uu abuurta ka run sheego, nolosha Islaamku maanta ku noolyahayna aanay wax dhadhan ah u samaynayn. Dhimashadiisu farxad uma aha argagixiso-la-dagaallanka oo dhan, waayo, fikirkii uu rumaysnaa ayaa nool. Laakiin se dhimashadiisu isaga ayay farxad u tahay, waayo, fikirkii uu rumaysnaa ayaa nool.
Weli hawl culus ayaa u taalla reer Galbeedka iyo xulafadooda, sababta oo ah weli dunida rag baa nool! Isagu wuu gutay kollay ba wixii uu u arkay waajib saaran, saamayn weynna wuu ku yeeshay naxdinta dawladaha reer Galbeedka iyo farxadda saaxiibbadii.
Guud ahaan, caalamka meelo badan ayaa holcaya, isagu waxa uu u arkaa guulo bilow ah, bal se argagixiso-la-dagaallanku waxa ay u arkaan guuldarrooyin kama dambays ah. Bal aan dhowrnno waayaha!
SubmitGabayga Galangal ee uu curiyay Abwaan Hadraawi waxa ka mid ahaa labadan meeris:
“Damalkii la gooya ba mid baa, soo gadaal baxa e
Guri laga baroorta ba aroos, gaafan baa xiga.”
Sakariye Saxardiid Axmed “Awaare”